10 Waxyaabood Oo Ninka Wanaagsan Uu Ka Ilaaliyo Gacalisadiisa

Waa kuwaan 10 waxyaabood oo ninka sida dhabta ah kuu jecel uusan marnaba kugu sameyn doonin gabaryahay.
1. Ninka wanaagsan saaxibadis kama hormariyo, xaaskiisa ayuu siiyaa mudnaanta koowaad.
2. Ninka wanaagsan kama carrao xaaskiisa marka ay xaalad adag soo wajahdo, waa mid isku daya inuu xakameeyo culeyskaas oo dusha u dhigta.

3. Ninka wanaagsan ma dayaco masuuliyaddiisa, waa mid qaada masuuliyadda xiriirka qoyskiisa.

4. Ninka wanaagsan marnaba gacan uma qaado xaaskiisa dhib malahan si kasta uu ucaroodo iyo si kasta ay xaaskiisa u qaldantahay.

5. Ninka wanaagsan waa ninka qorshe u sameysta noloshiisa oo aanan iska qasaarin waqti walba, waxa uu ka fekeraa mustaqbalkiisa iyo kan qoyskiisa.

6. Ninka wanaagsan waa kan xaaskiisa kula dhaqma kalgacayl iyo xushmad isla markaana aanan wanaajin marka uu dan leeyahay kaliya.

7. Ninka wanaagsan waa kan u dulqaata xaaskiisa marka qalad ka gasho, waana mid si fudud ku cafiya kana socda qaladkaas.

8. Ninka wanaagsan waaa kan qaladkiisa qaata oo cafis weydiista, wuxuu dusha saartaa masuuliyadda qaladaadkiisa isagoo si xushmad leh raali gelin uga bixiya.

9. Ninka wanaagsan waa mid aad ugu kalsoon xaaskiisa mana ahan mdi ka maseera waayo wuxuu ogyahay in macalinka ay leedahay uu isaga yahay.

10. Ninka wnaaagsan waa mid daacad ah isla markaana ilaashada halka boqorad ee uu calmaday, ragga aanan daacadda ahayn ayaa qiyaana haweenkooda, ninka wanaagsan waa kan ilaaliya dareenka iyo wak]jiga boqoraddiisa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button