11 Waxyaabood Oo Nin Kasta Uga Baahanyahay Gabadha Uu Ifka Ugu Jecelyahay - Aayaha

11 Waxyaabood Oo Nin Kasta Uga Baahanyahay Gabadha Uu Ifka Ugu Jecelyahay

Waa Kuwaan 11 Waxyaabood oo nin kasta kaga baahanyahay haweeneyda uu jecelyahay.

1. Nin kasta waxa uu gacalisadiisa ka rabaa inay garab istaagto marka uu ku xaaladaha adag.

2. Nin kasta waxa uu gacalisadiisa ka rabaa inay dadaal ku bixiso waxyaabaha uu jecelyahay xitta haddii aysan iyada xiiseyn.

3. Nin kasta waxa uu ubaahanyahay in gacalisadiisa ay ugu qubeyso ammaan mar kasta, nin kasta waa jecelyahay marka ay xaaskiisa qiimeyso waxyaabaha yare ee uu usameeyo.

4. Nin kasta waxa uu gacalisadiisa ka rabaa inay maqasho marka uu wax u sheegaayo, sida ay haweenka rabaan inay u dhageystaan raggooda oo kale sidaa darteed ragga waxay rabaan sidaas loo maqlo.

5. Nin kasta waxa uu xaaskiisa ka rabaa in mararka qaar ay ka yaabsato, yaa yiri ragga ma jeclo waxyaabaha lama filaanka ah? Uga yaabso hadiyado una wad damaashaad isagoon fileyn mararka qaar.

6. Nin kasta waxa uu boqoraddiisa ka rabaa in mararka qaar ay hawo siiso si uu waqti ula qaato saaxiibadiis sababtoo ah wuu caajisayaa.

7. Nin kasta waxa uu xaaskiisa ka rabaa inay taageert oo ay dhiiri galiso, farxad xad dhaaf ah iyo iftiin ayaad ka dareemeysaa wajigiisa markaad dhiiri galiso.

8. Seey kasta waxa uu lamaantiisa ka rabaa inay mararka qaar sariirta uga yaabsato oo ay iyada usoo dhowaato, nin kasta waxa uu rabaa inuu dareemo in la rabo marka haddii sheekada sariirta aad u bilaawdid rabitaan ayuu dareemaa.

9. Nin kasta waxa uu boqoraddiisa ka rabaa inay joojiso oo aysan dhihin waan fiicanahay iyadoo aanan ahayn ma ahan qof maskaxda aqriyo mana ogaan karo waxa qaldan hadaad u sheegtid.

10. Nin kasta waxa uu tan nolosha la qeybsatay ka rabaa inay dareensiiso inay ku faraxsantahay helitaankiisa, usheegidda ninkaaga inaad ku faraxsantahay helitaankiisa waxay dareensiisa qiimo iyo Sharaf.
11. Nin kasta waxa uu rabaa haweeney aanan qeylo badneyn, haweenka waa inay fahmaan in qeylada aysan waxba xalin, ahaanshaha haweeney qeylo badan waa jawareer.

Aayaha Online

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button