13 Sifood Oo Lagu Garto In Ninka Aad Xiriirka Leedihiin Uu Yahay Mid U Qalmo Naftaada Iyo Waqtigaada - Aayaha

13 Sifood Oo Lagu Garto In Ninka Aad Xiriirka Leedihiin Uu Yahay Mid U Qalmo Naftaada Iyo Waqtigaada

Waxaa jiraan qaar kamid ah ragga oo aanan noqon lamaaneyaal wanaagsan kaliya balse inaad xiriir la yeelato ay tahay mid aad u fudud.

Dabeecadohooda iyo dhaqankooda ayaa ka dhiga kuwo ay sahlantahay in lala dhaqmo.

Waa kuwaan qaar kamid ah sifooyinka lagu garto in ninka aad la-haasaaweysid uu yahay qof qunyar socod ah.

1. Ma ahan nooca cabasho ama qeylo ka keeno wax kastoo yar.

2. Ma caro badno.

3. Kaligiis ma sameeyo go’aanada.

4. Kaligiis iskama fekero.

5. Wuuku xushmeeyaa, sidoo kalana wuu xushmeeyaa qaar kamid ah go’aanadaada.

6. Xittaa marka uusan go’aanadaada kugu raacsaneyn wuxuu isku dayaa inuu si waxgaradnimo ah uga falceliyo.

7. Si dhab ah ayuu kuu jecelyahay wuxuuna raadiyaa qaabab uu ku muujiyo inuu ku jecelyahay.

8. Inuu arko adigoo dhoolacadeynaya oo faraxsan ayaa wax weyn u ah.

9. Ma ahan mid horey ka maseero ama kaa eedeeyo.

10. Wuxuu ku tusaa halkaad ka taagantahay noloshiisa.

11. Been kuuma sheego, kuma qiyaano mana iskaga kaa dhigo wuxuusan ahayn.

12. Kuulama hadlo si xun ama si ixtiraam darro ah.

13. Isagu waa aamin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button