4 SHAY OO NAAG KASTA AY U BAAHANTAHAY DA’ WALBO HA JIRTO [ISKA BARO]

Waxaa jira waxyaabo ay haweenku uga baahanyihiin ninka oo aanan loo eegeyn da’ haddii ay noqon lahayd 20, 30, 50 amaba 70, jir ay mar walba u baahantahay.

Haweenku wax ay ninka ka doonayaan 4-taan shay ee hoos ku xusan.

  1. Daacdnimo

Naag kasta waxay rabtaa nin daacad u noqonaya isla markaana u sheega waxa dhabta ah mar kasta dhib malahan da’da ay jirto waliba waxay rabtaa nin daacad u ah nafteeda oo ay aamini karto wax kasta oo uu yiraahdo dhib malahan da’da ay kugu guursatay ma rabto inaad been u sheegtid.

  1. Aaminaad

Ma jirta naag dooneysa in ninkeeda ay qof kale la wadaagto inta ay jeceshahay marka waxay kaa rabtaa inaad kali u noqotid, aad ayay u dhaawaceysaa inay ogaato inaad naag kale la hasaawdo ama afaaro la wadaagtid dhib malahan da’deeda naag kasta waxay rabtaa nin aamin ah.

  1. Jacayl

Naag kasta waxay rabtaa inuu ninkeeda jeclaado iyadoo dooneysa in jaceylka uu uqabo ay dareento waqti kasta oo nolosheeda kamid ah, waxba kama galin haddii ay tahay 20 ama 40, 50 ama 80 jir wali waxay rabtaa in ninka uu umuujiyo kalgaceyl, naag kasta ama haweeney kasta waxay rabtaa in la jeclaado oo la qadariyo isla markaana sidii boqorad oo kale loola dhaqmo dhib malahan da’deeda.


  1. Dareen siin/ il gaar ah ku eegid

Haweeney kasta wey jeceshahay dareenka ma dooneyso inaad u aragtid sidii qof caadiya oo kale balse waxay rabtaa inaad u aragtid halboowle, haweeney kasta waxay rabtaa nin had iyo jeer isha ku eegaya.

Dhib malahan da’da aad ku guursatay afartaan shay marna isma bedelaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button