5 Faa’ido oo qurxinta jirka ay u leedahay Saliid Qumbaha

Saliid qumbaha waa mid aad u faa’ido badan, waxana ka buuxa Fitamiiniska kala ah D,E iyo K, waxayna daqiiqad ku bedeleysaa jirkaaga, Wajiga ama timaha.


Wacdaro Online, ayaa waxa ay idiin soo gudbineysaa 5 faa’ido oo ay leedahay saliid qumbaha.

1. Waxay qoysaa jirka

Saliid qumbaha waxaa ka buuxo Fitamiin E, kaasoo qooya jirka haddii aad u baahantahay bilaaw oo ku bedel kareemka iskana hubi inaad iibsatid kan dabiiciga ah uma baahnid in jirkaaga uu qalafsanaado ama qalalnaado.


2. Waxay daaweysaa agoolka

Saliid qumbaha waxay leedahay dufan kaa caawinaya yareynta qolfaha madaxa, agoolka iyo cuncunka.

3. Hagaajin muuqaalka timaha


Saliid qumbaha waxay qurxisaa oo ay hagaajisaa timaha iyo midabkooda waxaadna maalin walba u isticmaali kartaa daaweynta timahaaga.

4. Waxay la dagaalantaa Finanka

Saliid Qumbaha waxay wajigaaga ka dhigeysaa nadiif waxayna ilaalisaa dheeha wajiga iyadoo kahortagta finanka ama fin doobka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button