ARIMAHA BULSHADANOLOSHAXIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: 5 Qaabood Oo Ragga Lagu Soo Jiitto

Kahor inta aadan ka fekerin sida lagu noqdo qof soo jiidasho leh, waxaa loo baahanyahay inaad ogaatid in soo jiidashada marka koowaad ay tahay wax muuhim ah qofka laga fiiriyo.

Hadaba noqoshada qof soo jiidasho leh waa wax aad naftaada u sameyneysid si muuqaalkaaga iyo jacaylka naftaada uu uhormaro.

Lakulanka ragga waxay dhacaysaa markii aad noqotid qof muuqaal ahaan iyo labis ahaan u dhisan waqtigaas oo aad soo jiidaneysid nin walba.

Marka si aad ragga usoo jiidatid, waxaan kuusoo gudbineynaa 5 talo.

  1. Dhoola caddeyn

Mid kamid ah waxyaabaha ugu badan ee aad ku noqon kartid qof soo jiidasho leh ama qurux badan ayaa ah dhoollacadeynta.

Daraasad uu dhawaan sameyay  Ururka cilmu nafsiga ee Mareykanka ayaa soo bandhigtay in gabadha dhoolla cadeynta badan ay aad usoo jiidasho badantahay.

Inkastoo dhoollacadeynta ay wanaagsantahay hadana in ilkahaaga la arki oo aad afka kala qaadid way kasii wanaagsantahay sida ay sheegtay daraasadda.

  1. Dharka ama labiska cas.

Dharka cas layaab ayuu leeyahay wuxuuna soo saaraa muuqaalkaaga si ragga aad usoo jiidatid.

Cilmi baaris ay sameysay jaamacadda University of Rochester ayaa muujisay in ragga ay qiimeeyaan haweenka dharka cas xirta galmo ahaan iyo inay kasoo jiidasho badanyihiin kuwa aanan xiran dharka cas.

Daraasad ay isla jaamacadda University of Rochester ay sameysay sanadkii 2008 ayaa ayaa sidoo kale sheegtay in midabka Cas uu yahay mid indha qabad leh marka ay noqoto soo jiidashada ragga ee haweenka.

  1. Rooseetada Casaanka ah

Xaqiiqdii kalarka ama midabka cas waa mid aan caadi ahayn, markaana seynisyahano ka tirsan jamacadda Manchester ayaa soo bandhigay soo jiidashada ay leedahay rooseetada cas ay haweenka marsadaan.

Baarayaash jaamacadda Manchester ayaa ogaaday in ragga qeyb kamid ah waqtigooda ay ku dhammeeyaan haweenka isticmaala rooseetada cas iyo eegmada faruuryahooda soo jiidashada leh.

Marka Rooseetada Cas haweenka isticmaala waa kuwo aad usoo jiidasho badan.

  1. Timaha dhaadheer

Haweenka leh timaha dhaadheer ayaa ah kuwo aad usoo jiidasho badan.

Daraasad ay sameysay University of South Brittany, ayaa lagu sheegay in haweenka timaha dhaadheer loo garto inay yihiin kuwo caafimaad ahaan wanaagsan soo jiidasho leh raaxana leh.

  1. Caraf

Haddii aad sidii fiyooraha usoo caraftid qofna maya kuma dhahaayo marka iscarfi hadaad iscarfisid waxaad arkeysaa adigoo ay ragga kuusoo kala ordayaan.

Related Articles

Back to top button