Heesta Ha Ooynine Aamus ee Zakariye Kobiye oo qoraal ah (Ka Bogasho Wacan) - Aayaha

Heesta Ha Ooynine Aamus ee Zakariye Kobiye oo qoraal ah (Ka Bogasho Wacan)

Haldhaa adigoo ah haween karti dhaafay.

Dhigaa hablahoo dhan adoo ka horeeya.

Hadduu hanka dhaawac, hoheey kaa gaaray

Niyadda dhib haleeshay

Haddeey ku damqeysay

Ha ooynin ha ooynin, ha ooynine aamu.

2x

Anaa huba maanta wixii hore oo dhan

Waxaad ku hilmaami jacaylka hadeere

Ha ooynin ha ooynin, ha ooynine aamu.

Farxadaad u haraaday hadaan ku waraabin.

2x

Hibasho tagi weyday hadeey kulmi weyday

Haday huq ku gaadhay

Ciil hore soo mudatay

Hadeey huq ku gaadhay ciil hore soo mudatay

Anaa kuu heelan anaa kuu hiilin

Anaa kuu heegan laabtana kugu heysan

Ha ooyin ha ooyin, ha ooyine aamus

Anaa huba maanta wixii hore oo dhan

Waxaad ku hilmaami jacaylka hadeere

Ha ooynin ha ooynin, ha ooynine aamu

Farxadaad u haraaday hadaan ku waraabin

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button