Aqriso Qoraalka Heesta Dahraan ee Fannaanka Maxamuud Royal (Ka Bogasho Wacan)

0

Dareenkii naftaydaay

dadka waxan u jecelahay

dagan aragtidaade

 

caashaqu dahraaneey

dab la shiday ka kululoo

damaqiyo xanuunba lee

 

daadihii kalgacalkoo

cishqigan i daashaday

xubi iga dabiiboo

daadhihi kalgacalka

 

dire dire warkiisiyo

ka fagow danbiiloo

danaheena gaarka ah

daganeey ogsoonow

 

daruurtii i deeqdaay

dookhaygaa ku raaco

kaa doortay dumarkee

 

caashaqaan damaynbaa

wadnahayga dagayoo

igu kaa dirayee

Xuquuqda Qoraalka heesta waxaa iskaleh shabakadda Masuul