Dhacdo Xanuun Badan: Gabar loo diiday wiil ay jecleyd oo Sun isku dishay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan kadib markii gabar loo diiday wiil ay jeclayd taasoo sababtay in gabadha ay sun cabto.

Dhacadadaan ayaa waxa ay ka dhacday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadda lagu magacaabo Juungal ee ka tirsan degmadaasi.


Haweeneyda Sunta cabtay oo lagu magacaabi jiray Shukri ayaa la sheegay in ninka ay isjeclaayeen ay horey isku guursadeen isla markaana wiil ay u dhashay balse markii dambe ay kala tageen.

Qaar kamid ah dadka kunool xaafadda Juungal ayaa noo sheegay in Shukri iyo wiilka ay isjeclaayeen ay mar kale ku heshiiyeen inay isku laabtaan balse ehelladooda ay ka diideen arrintaasi taasoo keentay in Shukri ay sun cabto isla markaana ay sidaas ku geeriyooto.

Qaar kamid ah dadka deriska la ah gabadha ayaa tilmaamay in labada ruux ay ahaayeen dad saaxiibo ah oo aad iskugu dhowaa isla markaana uu ka dhexeeyay jacayl mug weyn.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho ka dhacay dhacdooyin weli murugadooda Shacabka Muqdisho aysan qalbiyadooda ka go’in.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button