UGAAR AH DUMARKA: 6 Sifo oo lagu garto Ninka marka uu beenta kuu sheegaayo

Qaar kamid ah ragga way ku wanaagsanyihiin beenta, had iyo jeerna dhowr tallaabo ayay kaa horeeyaan, marka hadaad ku aragtid sifooyinkaan waxay u badantahay inuu been kuu sheegayo.

  1. Isdifaacid farabadan

Ninkaaga wax run ah kuuma sheegayo haddii uu caroodo markii aad su’aalo weydiisid, wuxuu ka hortagaa baaritaanka aad ku sameyneysid.


  1. Indhaha kuma siin karo ama waji kawaji

Ninkaaga been ayuu kuu sheegayaa marka uu ku fashilmo inuu waji kawaji kaaga hor imaado ama uu indhaha kusiin waayo, sababtoo ah indhaha kuma siin karo marka uu ka xiishoonayo waxa uu sameeyay balse ma rabyo inuu qirto waxa uu sameeyay.

  1. Hadalladiisa isma lahan

Ninkaaga ama saaxiibkaa waxa xaqiiqda ah kuuma sheegayo haddii ay hadalladiisa islahaan waayaan, hadii uu kala qal qaldo hadalka ama hadal uu hore kuugu sheegay uu si kale u dhigo  waxbuu kaa qarinayaa.

  1. Wuuka meermeeraa inuu jawaab toos ah kusiiyo

Ninkaaga waxbuu kaa qarinayaa hadii uu ka meermeero inuu ku siiyo jawaab toos ah ama uu si toos ah uga jawaabi waayo su’aashaada, beenaalaha wuxuu bedelaa mowduuca sheekada sheeko kale ayuu bilaabaa marka aad weydiisid su’aal sax ah.

  1. Sheekooyin aanan jirin ayuu bilaabaa

Beenalaayaasha aad ayay dadka u jahwareeriyaan iyagoo soo diyaarsada warbixino aanan loo dirsan, marka haddii aad aragtid saaxiibkaa oo sheekooyin ama mowduuc kale galaya marka aad su’aal weydiisid taasi micnaheeda waxa uu yahay inuu been kuu sheegayo

  1. Wuxuu bilaabaa kuurkuurid

Ninka been ayuu kuu sheegayaa hadii uu caroodo ama ku kuur kuuro marka aad su’aal weydiisid isla markaana wuu kaa dhaqaaqaa marka aad rabtid inuu su’aal kaaga jawaabo.

FADLAN HALKAAN RIIX OO SUBSCRIBE SAAR YOUTUBE CHANNEL-KEENA WAXAN BILAABEYNAA SHEEKOOYIN JACAYL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button