XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Qaabood Oo Haweeney Kasta Ay Ninkeeda Uga Heleyso Xushmadda ay Istaahisho

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa 5 qaabood oo gabar xushmaddii ay u qalantay uga heleyso Ninkeeda.

  1. Xushmad kula dhaqan

Waa inaadan xushmad ka dalban haddii aadan xushmad kula dhaqmin, waa inaad had iyo jeer ninkaaga ula dhaqantaa sida wanaagsan ee aad rabtid in laguula dhaqmo.

  1. Ka dalbo xushmad

Sidee ugu jawaabtaa marka uu ninkaaga ku xushmad dareeyo.  Haddii aad u qaadatid waxyaabaha iska caadiga ah ee dhaca wuxuu sii wadi doonaa xushmad darrada uu kugu haayo, haddii ninkaaga uu xushmadda kaa qaado soo bandhig cabashadaada hana ogaado dareenkaaga , marka aad tustid inaadan rabin qaabka uu kuu xushmad dareeyay , marka xigta si wanaagsan ayuu kuula dhaqmaa.

  1. Xushmeey naftaada

Dadka waxay kuula dhaqmi doonaan sida aad u dhaqantid, haddii aad rabtid in ninkaaga uu ku xushmeeyo, waa inaad naftaada xushmeyso ha u dhaqmin qaabab dadka kale kugu xushmad dareeynayaan, sidaa darteed haddii aad rabtid in ninkaaga ku xushmeeyo waa inaad marka hore xushmeysaa.

  1. La jog nin ku qiimeeyo

Nin aanan naftiisa qiimeyn kuma qiimeynaayo, marka iska hubi  inaad shukaansatid nin qiimeeya naftiisa, waligaa xushmad kama heleysid nin xushmad laawe ah dhib malahan si walbo ood xushmad uga dalbatid.

  1. Noqo qof isku kalsoon

Marka aad noqotid qof isku kalsoon oo caqli ah, ninkaaga wuuku xushmeynayaa, waligaa ha qiimo tirin naftaada, hadii aad noqotid qof aanan kalsooni isku qabin waxaad ku dhammeysaneysaa xushmad darro.

Related Articles

Back to top button