Afartaan Waxyaabood Sameey Marka Ay Xaaskaaga Kaa Careysantahay

Dhib malahan si walbo oo aad u taxadar badantahay,qalad waad sameyneysaa wanaa ka careysiinaysaa xaaskaaga ama saaxiibtaa.

Waxyaabahan fudud waxay kaa caawinayaan inaad dejisid xaaskaaga marka ay careysantahay.

  1. Raalli gelin

Tani waa tallaabada ugu horeysa oo aad ku dejin kartid xaaskaaga marka ay careysantahay, waanka xumahay waxba ma xallin karto mana dabooli karto qaladaadkaaga, balse waa waxa wanaagsan ee aad sameyneysid , qaadashada qaladkaaga iyo inaad ka raalli gelisid waa waxa ugu muhiimsan ee aad ku raalli gelin kartid marka ay careysantahay.

  1. Isku day xallinta dhibaatada

Haddii ay wali macquul tahay inaad xalisid dhibaatada, dabadeed si walbo iskugu day,balse haddii aysan macquul ahayn isku day inaad qaadatid mas’uuliyadda ficilladaada, qaadashada qaladkaaga iyo inaad usheegtid inaysan dib u dhacayn waa wax wanaagsan.


  1. Usameey waxyaabo ay jeceshahay

Haddii ay ku cafiso, tallaabada xigta waxay tahay inaad ka qoslisid, usameey waxyaabo aad ogtahay inay jeceshahay isku day inaad ka farxisid iyadoo tan ay jirto waa inaad xasuusnaataa qaladkii aad sameysay kana raalli gelisaa.

  1. Kool kooli

Dabcan waxay rabtaa inaad kool koolisid wax walba kadib, inkastoo aysan careysneyn, ku daaweey kool koolin maadaama haweenka ay jecelyihiin kool koolinta, inaad kool koolisid waxay dib usoo celineysaa nabaddii idinka dhaxaysay.

Haddii aad ku sameysay qalad ka careysiiyay xaaskaaga, fadlan isdeji oo isticmaal tallaabooyinkaan.


Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button