5 Waxyaabood oo aad kuugu soo dhoweynaya Lamaankaaga/Lamaantaada (Hadda Sameey)

Shabakadda Arrimaha Bulshada ee Aayaha Online, ayaa waxa ay maanta idiin soo gudbineysaa 5 waxyaabood oo kaa caawinaya inaad isku soo dhowaatiin lamaantaada/lamaankaaga.


  1. Xushmadda

Ma kasban kartid lamaankaaga haddii aadan xushmeyn, markii aad xushmeysid lamaankaaga ama lamaantaada waa sida ugu dhow ee aad ku kasbatay, xiriirkiina waa inuu noqdaa mid qaas ah isla markaana uusan noqon mid aad goobaha bannaanka ah uga hadashaan.

  1. Ismaqal

Ma kasban kartid lamaankaaga haddii aadan dhageysan ama maqlin warkiisa, ismaqalka wuxuu kaa caawinayaa inaad soo dhoweysatid  lamaantaada.

  1. Isku dabaal dega

Lamaanaha midba midka kale u dabaa dega guushiisa aad ayay iskugu dhowyihiin, sidaa darteed haddii aad rabtid inaad soo dhowsatid lamaankaaga ama lamaantaada waa inaad u dabaal degtaa waxyaabaha ka farxiya si xiriirka uu farxad u yeesho.


  1. Ahmiyad sii waxyaabah yar yare e uu jecelyahay

Inaad dareen siisid waxybaaha uu lamaankaaga/lamaantaad ay jeceshahay waxay kaa caawinaysaa inaad soo dhoweysatid, haddii ay waxyaabahaas muhiim u yihiin isaga/ iyada waa inaadan dhibsan si walbo oo ay u yaryihiin.

  1. Raaxada

U sameynta waqti raaxada waxay kaa caawinaysaa inaad soo dhoweysatid lamaankaaga/lamaantaada, waa inaad guntiga u xirataa marka ay tahay galmo waa inaad ogaatadaa marka uu lamaankaaga/lamaantaada galmo u raaxo u baahantahay, si joogto ah u dhunko, raaxo la’aan waxay abuureysaa kala qeybsanaan waxayna dileysaa xiriirka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button