HEESAHA QORAALKA AH

Heesta Xurmo ee Fannaanka Oomaar oo qoraal ah (ka bogasho wacan)

markaad xurmooy dhaqaaqday

xaadiyo jidhkaa i xadreeyay

xubnahoo idilba dubaaxshay

xabiibi markaan ku eegay

xagaaga markaan jaleecay

xiskiyo maankayga qaaday

 

jacaylka wadnaha xuf siiyay

xagaaga ii soo darbeeyay

xubnaha dhiigayga raacay

xabiibi adaa igu beeray

 

markaad xubiga ila qaaday

xalkiisa markaad ishaartay

xanaano naftaa dareentay

 

xayaati markaan ku doortay

xarfaha cishqiga rumoobay

xawaare kashaa bogsootay

Xuquuqda qoraalka heesta waxaa iskaleh Masuul

Related Articles

One Comment

Back to top button