4 Qaabood oo Taleefankaaga ku burburiyo Xiriirka kaala dhexeeyo Lamaantaada (Iska Ilaali)

Waxan halkaan idinkugu soo gudbineynaa afar qaabood oo taleefankaaga ku burburiyo xiriirkaaga.

Taleefaanja casriga ah wuxuu dilaa raaxada

Isticmaalka barnaamijyada lagu sheekeysto eek u jira taleefanka casriga ah, ayaa waxa ay micnaheeda tahay in dad badan ay taleefanka sariirta la,aadaan waxay tani dishaa wada raaxeysiga lamaanaha, xilliga sariirta ma ahan waqti lagu ciyaaro taleefankaaga, waa inaad u adeegtaa xaasaaga, inaad taleefan u qaadatid sariirta waxay dishaa rabitaanka xaaskaaga oo rabta inaad la raaxeysatid.

SMARTPHONE-ka  lamaanaha wuu kala fogeeyaa

Mar kale iyo mar kale, waxan arkay lamaane si wadajir ah u aadaya dalxiis iyo waqti soo qaadasho si lamaanaha usoo wadaagaan waqti macaan balse taasi waxaa bur buriya mid kamid ah laamaha oo ku qabatima taleefankiisa intii uu waqti siin lahaa ama ay siin lahay lamaankeeda, marka aad waqti lasoo qaadaneysid lamaantaada lamaankaaga baro sida la iskaga indha tiro taleefanka oo diiradda saar lamaantaada.


SMARTPHONE-ka waxa uu hoos u dhigaa waqtigii aad la qaadan lahayn lamnaantaada/lamaankaaga

Kadib markii saacadaha ugu ee maalintaas aad shaqo ku jirtay, lamaantaada waa inaad diiradda saartaa ma ahan taleefankaag waa inaad ogaatadaa waqti wanaagsan oo aad la qaadatid lamaantaada inay muhiim tahay ha burburin xiriirka adigoo indhaha ku haya taleefankaaga.

SMARTPHONE-ka lamaantaada wuxuu dareensiiyaa sidii inaan la rabin

Markii aad had iyo jeer diiradda saartid taleefankaaga intii aad diiradda saari lahay lamaantaada, wax aad lamaantaada dareensiisay inaadan rabin taasoo xiriirka soo gaba gabeyneysa, markii aad la sheekeysaneysid lamaantaada iska ilaali in taleegankaaga uu kaa jeediyo xaaskaaga.

Aayaha Online

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button