6 Waxyaabood Oo Muhiim Ah Oo Haweenku Ay Ka Rabaan Ragga

Shabakadda Aayaha Online oo ka faaloota arimaha bulshada iyo jaceylka ayaa waxay maanta idiin soo gudbineysaa 6 waxyaabood oo haweenku ay ka eegaan ragga.


  1. Haweenku waxay rabaan ragga kalsoonida leh

Haweenka waxay rabaan nin ay tirsan karaan, haddii aad rabtid in haweeney aysan kaa harin waxaad u baahantahay inaad u muujisid inay kugu kalsoonaan karto.

3 Waxyaabood Oo Ragga Aysan U Sheegin Haweenka Ay Jecelyihiin Iyo Sababta

  1. Haweenka waxay rabaan ragga iimaanka leh

Haweeney kasta waxay rabtaa nin ka adag xubintiisa taranka oo maskaxdiisa xakameeya, ma jirto naag rabta in ninkeeda lala wadaago oo meel walba uu ku dhac dhaco, haweeney kasta waxay rabtaa in ninkeeda uu noqdo mid iimaan leh.


  1. Haweenka waxay rabaan ragga daacadda ah

Haweeney kasta waxay dooneysaa nin daacad ah, marka ay leedahay daacadnimo Ayaan kaa rabaa waxay dooneysaa in si walba aad daacad ugu noqotid.

  1. Haweenka waxay rabaan ragga himilada leh

Ma jirto gabar rabta nin aanan wax riyo ah lahayn, kuma filna inaad lahaatid riyooyin, waxay rabtaa nin sabar hadaf guul leh.

  1. Haweenka waxay rabaan ragga daryeela naftooda

Ma jirto gabar rabta nin aanan daryeelin naftiisa oo nolosha ka dhacay, waa inaad daryeeshaa naftaada si wanaagsan aad u labisataa oo aad iscarfisaa, ha noqon dhusuqle.


  1. Haweenka waxay rabaan ragga go’aanka leh

Ballan qaadka iyo go’aanka uu ninka leh waa tayada haweenka ay ka eegaan ninka ay rabaan, haweenka waxay rabaan ragga uu ka go’anyahay xiriirka isla markaana go’aanka leh.

Ma leedahay tayooyinka ay haweenka rabaan?

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button