Yaanyada halaawday oo laga helay cudur dilaa ah & Bulshada oo looga digay

Yaanyada boloshay ama halaawday ayaa laga soo saaray diginin caafimaad kadib markii la ogaaday in ay sababto cudur halis ah.

Yaanyada bololka ah ayaa la ogaaday inay ku jiraan jeermisyo qofka bini aadamka ah ku dhaliya cudurka Kansarka.


Baaritaan lagu sameeyay yaanyada haleysan ayaa sidoo kale lagu ogaaday inay keento cudurro dhaawac ku keena kelyaha bini aadamka ah.

Yaanyada waxaa la tilmaamay in marka ay bukato ay ku dhashaan jeermisyo kuwaas oo keena dhimasho iyo cudurka Kansarka ah, jeermisyadaas ayaa waxa ay sidoo kale yareeyaan habka difaaca jirka bini aadamka ah.

Sarkaal ka tirsan hay’adda la socoshada cunnooyinka iyo daawooyinka dalka Naajeeriya ayaa shacabka Naajeeriya uga digtay inaysan iibsan yaanyada bololka ah.

Waxa ay xustay in dadka ay aaminsanyihiin in yaanyada haloowday oo ah mid raqiis ah wasakhda iyo jeermiska laga baabi’in karo marka la dhaqo oo la kululeeyo, iyadoo intaas ku dartay in suntan aanan la dhaqi Karin ama aanan la dili Karin, Waxayna tilmaamtay in suntan oo lagu magacaabo “mycotoxins” ay iska caabiso dabka.

Shacabka ayay ugu baaqday inay ka fogaadaan yaanyada boloshay isla markaana aysan ku iibsan raqiis, waxay shacabka kula dardaarantay inay wanaagsantahay in lacagtooda ay ka bixiyaan yaanyo nadiif isla markaana ay caafimaadkooda lacag yar aysan ku baab’in.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button