6 Xaqiiqo Oo Kaa Caawinaya Inaad Ka Gudubtid Niyad Jabka Ku Heysta

Ma ahan gaba gabada


Waxaa muhiim ah inaad isku daydid inaad horey uga socotid dhib walba, dad badan taasi ma fahamsana , sidoo kale waa murugo iyo ciil marka xiriir aad wax walba kusoo bixisay uu bur buro balse naftaada u sheeg inaysan ahayn dhammaadkii nolosha isla markaana ay tahay sidii qof kale ku dhacay imtixaanka, mana ahan inaad horey uga gudbeysid balse si tartiib ah ayaad u soconeysaa illaa aad riyadaada ka gaartid.

Waxaa dareentaa xumaan

Fursadaha ayaa waxa ay yihiin inaad dushaada ka saartid dambiga isla markaana aad istiraahdid ma wanaagsaneyn inaad sameysid qaladka lagugu furay ama lamaankaaga aad ku kala tagteen, waa sax inaad jecleyd qofkaas oo aad wadajir ahaydeen isla markaana aad u xiisi doontid, balse niyad jab uun haku jirin oo ka gudub haddii kale xaaladda way kasii dareysaa.


Murugo kuma jireysid waliagaa

Inaad weysid xiriir wanaagsan u arag sidii inaad weysay lacag badan oo la galiyay ganacsi, waad ilmeyn doontaa oo waxaad dareemi doontaa murugo arrintaas ah, balse xaqiiqda ayaa baaqi ku ah in calafka uu dhammaaday isla markaana aad ka gudbi doontid, iska iloow wixii dhacay, waqtiga ayaa had iyo jeer kuu hiiliya.

Qofna dusha haka saarin


Marka ay wax kaa qaldamaan waxaa dabiici ah inaad qqof dusha ka saartid, marka qofna dusha haka saarin naftaada u sheeg in qalad uu dhaco waayo ma jiro qof bini aadam ah oo aanan qalad galin.

Cashar hakuu noqoto

Waxaa jira cashar laga barto xaalad walbo oo adag oo nolosha ah, xittaa furiinka xun, si dhow ula soco dhacdada sababtay in lagugu furo, waxa sababay inay dhacdo, maxay ahaayeen waxayaabaha dinka qaldamay? Cashar hakuu noqdaan, markaas ogoloow in xiriirka soo socdo aad qaadid wadada saxan.

Qof ka wanaagsan kii hore ayaa heli doontaa

Marka waxaad weysay  saxiibkaa ama saaxiibtaa oo aad guursan lahay? Hagaag, nolosha waxay noqon kartaa sida taas oo aanan la sadaali Karin, waxa aan ka aqaano nolosha ayaa waxa ay tahay  haddii aad weysay qofkaas micnaheeda ma ahan inay kuu dhammaatay, qof ka wanaagsan ayaad heli doontaa, mararka qaar waan weynaa waxyaabo wanaagsan balse waxaan helnaa kuwo kasii wanaagsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button