6 Qalad Oo Waaweyn Oo Xiriirka Ay Ku Sameeyaan Haweenka

Shabakadda Aayaha Online, ayaa waxa ay idiin soo gudbineysaa qaladaad waaweyn oo haweenka ay ku sameeyaan xiriirka.

  1. Way adagtahay qancintaada

Waxaad naftaada ka dhigtaa mid ay adagtahay in lala noolaado markii aad naftaada ka dhigtid mid aanan laga farxi Karin, marka taasina waxay dileysaa xiriirkaaga maxaa yeelay ma jiro nin mar walba saxan, sidaa darteed qof kasta cilad ayuu leeyahay oo aad adiga ku jirtid.


  1. Ma garaneysid qiimahaaga

Ragga si daciifnimo ah ayay kuula dhaqmayaan haddii aadan garaneyn qiimahaaga haweennimo, naftaada maadan qiimeyn haddii aad aadid rag aanan la heli Karin, waxaad ninka u ogolaatay inuu six un kuula dhaqmo, waxaad ka laba labeyneysaa inaad weydiisid waxa aad ku rabtid xiriirka adigoo dareemaya inaadan si wanaagsan ugu filneyn.

  1. Waxba ma bixisid

Qaar kamid ah haweenka waxay raggooda ka filayaan had iyo jeer inay siiyaan waxyaabah ay rabaan balse marnaba ka walwalaan inay raggooda iyaga ay wax siiyaan, tani waa qalad, jacaylka waa bixin ma heli kartid jacaylkiisa haddii aadan wax u quurin.

Ninkaaga damaashaad u wad una iibi hadiyado si joogto ah sidoo kale, jacaylku waa wax bixin.

  1. Kuma qaadatid waxa uu yahay

Ma jiro wax ninka uu kahor yimaado oo aanan ahayn haweeney uu la kulmayo oo isku dayda inay wax ka bedesho, kahor inta aadan isku dayin inaad bedeshid ninkaaga, waa inaad isweydiisaa haddii uu doonayo in adigana uu ku bedelo, waa inaad ogolaataa in lamaankaagaa aad ku qaadatid waxa uu yahay, haddii aadan ku qaadan Karin waxa uu yahay iyo qofka uu yahay dabadeed ha shukaansan.

  1. Ma qiimeysid waxyaabaha uu kuu sameeyo

Ninkaaga waxba kuma siin karo sidaa darteed xiriir hala sameyn adigoo isleh ninka wuxuu leeyahay adduunka maxaa yeelay waxaa tahay haween, waa muhiim inaad qiimeysid waxyaabaha uu kuu sameeyo dhib malahan sida ay u yaryihiin, inaad yeelatid dhaqanka wax ka hel waa qald ay haween badan sameeyaan.

  1. Dhibaato

Ma jiraan wax daaliya ninka oo aanan ahayn inuu xiriir la yeesho naag dhib badan oo sheegasho badan, waad xakameyn kartaa dhibaatooyinkaaga xiriirka adigoo noqon qof sheegasho badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button