Heesta Cusub ee Mursal Muuse ku Aamaanay Gacalisadiisa Hodan Cabdiraxmaan oo qoraal ah

Xiska garashadiisaay

Xariir loo riyaaqaay

Hadiyad loogu deeqaay

Hodan xayo wanaageey


Xaqa midii  ku dhalatee

Xalaal lagu anqariyee

Hooyadii xambaartay


Asluub ugu xijaabtaay

2x

Xiisaha nafteeydiyo

Xurma caashaq oo idil

Mudan taan ku xeeraay

Qalbiguba ku xidhanyahay

Muran xiinta cugashada

Xal ku waara yeeshay

2x

Xigtadii kalgacalkaay

Xidig iyo iftiin leey

Casirkii arwaaxdaay

Ileeys aan xushmeeyaay

Xayndaabka dhaqankiyo

Edabtiyo xishoodkaba

Yartii lagu xanaanshe

Hidaheeda xafidaay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button