XIRIIRKA IYO GUURKA

Lixdaan Waxyaabood Waligaa Haku Oran Xaaskaaga Hadaad Isku Dhacdaan Haddii Kale…

Shabakadda Arrimaha Bulshada ee Aayaha Online, ayaa waxa ay idiin soo gudbineysaa waxyaabo qalad weyn oo ay tahay inaadan marnaba ku dhihin xaaskaaga hadaad isku dhacdaan.

  1. Qaladka adigaa iskaleh

Inaad dusha ka saartid dhammaan qaladka waa waxa ugu xun oo aad u sheegi lahayd xaaskaaga inta lagu guda jiro muranka ama dagaalka idinka dhexeeyo iyadoo sii kordhineysaa dhibaatada kaliya, waxaa wanaagsan oo sax ah inaad mas’uuliyadda qaadatid isla markaana aadan dusha ka saarin.

  1. Naag kale sidaan uma dhaqmi lahayn

Inaad xaaskaaga la meel dhigtid haween kale ama aad dareensiisid inay tahay haweeneyda ugu xun, waa mid kamid ah waxyaabaha ugu xun ee aad ku oran lahayd xaaskaaga inta lagu guda jiro dagaalka, waa inaad noqotaa midka dareensiiya inay tahay xaaskaga ugu wanaagsan dunida, mana ahan inaad six un ula dhaqantid.

  1. Waa tahay…

Wax kasta oo yimaada inta lagu guda jiro dagaalka waxaa qalad ah inaad tiraahdid adiga waaye waxaas iyo waxaas oo aad tilmaam xun siisid, taasna aad ayay u xuntahay waxayn xumeyneysaa guurkaaga muddo dheer.

  1. Waxba igama galin

Maya, waa inay wax kaa galaan oo aad ka welweshaa, waa shaqadaada inaad ka walwashid haddii aysan waxba kaa galin, yay wax ka galeen? Ka sokoow jumladaas adiga ayay ku saameyneysaa, xaaskaagana si daran ayay u dhaawacaysaa.

  1. Waligaa ha handadin

Marnaba ha ugu handadin inaad uga tageysid dagaalka, waxaa ku qasbantahay in xaaskaaga aad dareensiisid kalsoonida guurka oo aadan u cagajugleyn.

  1. “Waxaad sababeysaa inaan ku naco”

Tanina waa qalad kale oo guud oo rag badan ay xaasaskooda ku dhahaan si ay u dareensiiyaan inay dambi galeen, balse waa qalad, marnaba ha u muujin aragti qaldan oo ah in jacaylka aad u qabtid uu burburayo, taas badalkeeda diiradda saar dhibaatada oo xakamey kadib isku day inaad tustid inay gacan kuleedahay dambiga.

Xusuuso inaad had iyo jeer ka fiirsatid waxa aad kula hadashid xaaskaaga xilliga muranka, waxaa jira waxyaabo aad ku hadashid oo lama qaataan ah isla markaana cabsi xoogan ku abuura qalbigeeda muddo dheer oo ay adagtahay in laga dabiibo.

Related Articles

Back to top button