Raga Oo Aad U Jecel Haweenka Noocaan Ah & 5 Arimood Oo Sabab U Ah

Raga aad ayay uga aragti dheeryihiin haweenka, waxaa jira waxyaabo ay ragga haweenka ku xushaan oo soo jiita.


1.Haweenka aanan marsan Makeup-ka ama wax yar ka marsada

Guud ahaan raga waxay ka helaan dumarka aanan marsan Makeup-ka la isku qurxiyo ama wax yar uun ka isticmaala,sida ay sheegtay cilmi baaris ay sameeysay jaamacadda Bangori ee dalka Ingiriiska, haweenka marsada Makeup-ka yar ayaa soo jiita ragga marka la eego haweenka aadka u marsada.

3 Waxyaabood Raggu Sameeyaan Oo Haweenka Si Daran Uga Careysiiya


2. Haweenka iscarfiya

Ragga ayaa la sheegay inay ka helaan haweenka iscarfiya, ragga ayaa sidoo kale doorbida haweenka isticmaala Barfuunka.

  1. Haweenka dhoolla cadeeya intabadan

Haweenka xir xiran ama wajiga kaduudka ah ayaa la sheegay inay adagtahay inay soo jiitaan ragga, maxaa yeelay ragga guud ahaan waxay ka helaan haweenka intabadan dhoolla cadeeya, cilmi baaris ay sameeysay jaamacadda Columbia British University, ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay jiritaanka arrintaasi.


  1. Haweenka saaxiibtinimada leh

Ma jiro nin raba inuu ag joogo haweeney u muuqata mid aanan saaxiibtinimo lahayn oo qalafsan, ragga ayaa ka hela isla markaana aad u daneeya haweenka saaxiibtinimada leh oo sida saaxiib oo kale ah.

  1. Haweenka og baahidooda

Ragga ayaanan ka helin haweeneyda aanan lahayn qorshe isla markaana si guud u aqbasha wax kasta.

Ragga ayaa si guud u jecel haweenka shaqsiyadda leh ee og waxa ay rabaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button