Editor's PicksXIRIIRKA IYO GUURKA

Waa kuwaan 5 Eray oo qiimo leh oo nin kasta uu doonayo inuu xaaskiisa ka maqlo waqti waliba

Shabakadda Aayaha Online, waxay idiin soo gudbineysaa ereyo macaan uu nin kasta doonayo inuu xaaskiisa ka maqlo subax walba.

  1. U sheeg inaad nasiib badantahay inaad heshid

Ragga waa kuwo qalbi wanaagsan, haddii aad dareensantahay inaad nasiib ku heshay jacaylkaaga, soo bandhig aragtid, usoo bandhig dareenkaaga dhabta ah.

  1. Xushmeey

Jacaylka waa dareen iyo rabitaan, in lamaankaaga uu arko inaad ku qiimeysid waxa uu kuu sameeyo kuna xushmeysid waa arrin wanaagsan oo loo baahanyahay, waana arrin qurux badan.

  1. Usheeg inuu yahay Aabe Wanaagsan

Ragga had iyo jeer waxaa lagu cabiraa masuuliyaddooda iyo sida ay u yihiin qoysaskoosa, sidaa darteed qiimo badan ayay ugu fadhisaa inuu maqlo qaabka uu masuuliyadda Aabenimo ugasoo bixi iyo sida uu caruurtiisa u daryeelay.

Ammaantaan waxay xoojisaa shaqadooda iyo sida ay nafta ugu huraan qoysaskooda, waxay sare u qaadaa rabitaanka inuu sii wado iyadoo sidoo kale adkeysa midnimada qoyska misana abuurta xiriir wanaagsan.

  1. Ralli gelinta marka aad qaldantahay

Haweenka waa kuwo had iyo jeer raba saxnimada xittaa haddii uu qaladkooda cadyahay, waa arrin guud inaad maqashid dadka oo leh in ninka uu ogolaadaa diyaarna u noqdaa in mar kasta uu raalin gelinta bixiyo xittaa haddii uusan qaldaneyn.

Tani waa qalad xad ka bax ah, ee gabaryahay marka aad qaldantid isku day inaad raali gelisid.

  1. Waankugu faraxsanahay

U sheeg inuu yahay ninka  wanaagsan oo leh kalgacayl iyo xushmad, ragga waxay u baahanyihiin in la dareensiiyo inay shaqo wanaagsan hayaan.

Related Articles

Back to top button