DIGNIIN: Sadexdaan Meelood Waligaa Ha Galin Taleefankaaga

Taleefanada gacanta ama mobillada waxaa ka dhasha halis daran gaar ahaan marka aad galisid meel qalad ah.

Waligaa taleefankaaga ha galin meelaha hoos ku xusan.

Jeeb dambaha

Ma wanaagsana in taleefankaaga aad boors la galisid jeebka dambe ama aad jeebka dambe toos u galisid, tuugga si fudud ayuu halkaas ugala bixi karaa, sidoo kale wuxuu halis ugu jiraa in shaashadda uu ka dilaaco marka aad fadhiisatid, meel kale gasho taleefankaaga inta aad galin lahayd jeeb dambaha.


Rajabeetada

Waxaa jira haween can ku ah inay taleefanada iyo lacagta ay gashtaan rajabeetada taasoo aanan ahayn talo wanaagsan, waligaa taleefankaaga ha galin rajabeetada sababtoo ah taleefanka wuu qarxi karaa wuxuuna keeni karaa dhaawacyo shalaay kugu reeba.

Barkinta hoosteeda


Sideed ku bilaawday in taleefan aad galisid barkinta hoosteeda? Wax walbo wayka darantahay tan inaad sameysid gaar ahaan marka taleefanka uu saaranyahay gariir.

Halista waa kuleylka ka dhalanaya marka ay barkinta caburka ku celiso ama uu waayo meeluu ka hawo qaato waxana kasii halis badan marka aad jaarjar galisid.

Aayaha Online

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button