5 Qaabood Oo La Hubo Oo Lagu Xakameeyo Carada Iyo Muranka Guurka (Isku Day)

Aayaha Online, ayaa waxa ay idiin soo gudbineysaa 5 qaabood oo la hubo oo aad ku xalin kartid muranka guurka.

Isdaji

Isku day inaad isdejisid marka ay xaaskaaga careysantahay maxaa yeelay deganaanta aad sameysid marka ay lamaantaada careysantahay waa sida ugu wnaaagsan ay xaaskaaga ku dageyso, way adagtahay inaad isdajisid iyadoo xaaskaag ay kugu qeylinayso gaar ahaan marka aad ogtahay inaad saxantahay  balse waxaa kasii wnaaagsan inaad ka roonaatid oo aad isdajisid kadibna si degan ula hadal.

Maqal


Lamaantaada waxa ay dooneysaa inay dareento in warkeeda la maqlo waxay kaa rabtana waa arrintaas marka isku day inaad dhageysatid ama maqashid waxa ay kuu sheegeyso,  haweenka dhib ayay ku qabaan ragga sababtoo ah sababtoo ah ma maqlaan warkooda, marka dhageysiga lamaantaada wuxuu dareensiinayaa inaad si dhab ah ula socotid, waana arrin wanaagsan.

Xakameey carada

Waa muhiim inaad xakameysid caradaada marka six un u carotid, marka aad ogaatid in lamaantaada ay careysantahay waxaa muhiim ah inaad si dhaqsi ah wax u sameysid, su’aal weydii; isku day inaad ogaatid sababta ay lamaantaada u careysantahay, inaad ka tagtid lamaantaada oo careysan xaaladdfa ayay uga sii dareysaa.


Xal raadi

Waligaa mala yaabtay awoodda uu leeyahay ereyga waanka xumahay? Waanka xumahay aad ayay u awood badantahay waana erey wax dajiya, baro inaad dhahdid waanka xumahay, had iyo jeer isku day inaad nabad raadisid marka ay lamaantaada careysantahay, ku dheh waanka xumahay; qiro qaladkaaga waadna la yaabi doonta fal celinta lamaantaada, haka laba labeyn inaad tiraahdid waanka xumahay.

Dareen xanuunka lamaantaada

Marka ay lamaantaada careysantahay, waxay dooneysaa inaad ogaatid waxa ka qaldan, mararka qaar inaad dhahdid “Waan fahmay sababta aad u careysantahay” waxay noqon kartaa inta ay rabto xaaskaaga inay kaa maqasho, waxay dooneysaa inaad ogaatid dareenkeeda.

Isku day farsamooyinkaan inaad adeegsatid haddii ay lamaantaada kaa careysantahay.

Aayaha Online

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button