Heesta Dhool dhooli caashaqa ee Fanaanka Dalmar Yare oo qoraal ah (Dhabanada casaankee lagu dheehay quruxdiyo)

0

dhabanada casaankee

lagu dheehay quruxdiyo

dhexda madag la moodiyo

luquntaadan dhabiga ah

 

dhoolaha cadaankiyo

ciradkaaga dhuxusha ah

timahaaga soo dhacay

dhicnayada u kala dagay

dheerida laxaadka

ayaa ani i dhaawacay

 

aroos aynu dhiganee

igu soo dhawoow

dhabtaadan i saaroo

dhooldhooli caashaqa

dhunkashana i deeqsii

 

qurux dhalan wanaageey

sidaad iigu dheertay

dhamay waxaan idhaahdaa

naftu show ku dhaaftee

 

baradaad ku dhalatiyo

dhabtii hooyadaabaad

dhamays ugu barbaartoo

dhidigaba asaagaa

RABIBAA ku dhaafshoo

kuma dhinac istaagaan