UGAAR AH DUMARKA: 6 Qaabood oo aad ku dejin karto Ninkaaga marka aad ka careysiisid

Waxan idiin soo gudbineynaa qoraal faa’ido u leh dumarka oo ku saabsan sida ay ku dejin karaan ragooda marka ay ka careysiiyaan.

  1. Raali gelin qoto dheer

Ma jiro wax aanan dajin nin careysan oo aanan ahayn raali gelin qurux badan oo ay u sameyso haweeneydiisa uu aadka u jecelyahay, dhib malahan si kasta uu kuugu waalanyahay, waxaad siisaa 5 daqiiqo  kadibna u sheeg inaad ka xuntahay; ha dhihin inta uu kululyahay maxaa yeelay ma dareemaayo raali galintaas; ogoloow in carada ay xoogaa ka yara degto kadib raali geli markaas ayuu fiicnaanaa.

  1. Xasilooni

Inaaad isdejisid marka uu ninkaaga kuu careysanyahay taas ayaaba si fudud u dajineysa. Dhibaatada ay gabdhaha intooda badan qabaan ayaa ah qeylo ayay dhankooda ka bilaabaan, aflagaado iyo caay oo kasii careysiinaya.

Haddii aad ninkaaga ka careysiisid, ilaali dgenaantaada taasaa ayaa sababeysaa inuu isagana dego; haddii aad degantahay, xasiloonida ayuu dareemayaa, wuxuuna arkayaa inaadan ahayn qof loo sii careysnaan karo.

  1. Aamusnaan

Haa, aamusnaaan; ulama jeedo isciil ama inaad iska dhigtid qof careysan, maya, iska dhig qof niyad jaban oo ka naxsan waxa dhacay, xittaa iska ilmeysii waayo waxay keeneysaa in ninka uu saacado gudahood naftiisa ku dajiyo isla markaana wuxuu dareemayaa inuu ka bad badiyay oo xaakiisa niyad jabiyay; hana layaabin haddii uu kuugu imaado si uu carada kaaga dajiyo, balse sirta lagu nqodo qof ku guuleysta aamusnaanta ayaa ah inaadan isaga darin sababtoo ah waxay noqoneysaa ciyaalnimo iyo mid la dhibsado.


  1. Lugaha kareem u mari una riix riix

Haddii nikaaga uu careysanyahay, lugaha kareem u mari waadna la yaabi doontaa isbedelka, kareemka lugaha lugaha loo mariyo wuxuu dajinayaa kacsanaanta murqaha,wuxuu dajiyaa carada iyo cadaadiska, sidaa darteed kareemka lugaha aad u marisid ayaa sidoo kale keenaya inuu ku raaxeysto xittaa hadii uu kuusii careysnaan lahaa, intaas usameey seygaaga haduu kaa caroodo,lugaha u mari kareem isbedel layaab leh ayaad arki doontaa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button