5 Faa’ido Oo Ay Leedahay Cunitaanka Kalluun Badan (Waxyaabo Lama Filaan Ah Oo Laga Helo)

  1. Wuxuu yareeyaa xanuunada wadnaha

Kalluunka waxaa ku jira waxyaabo caafimaad u leh wadnaha, cilmi baaris ayaa soo bandhigtay in saliidda kalluunka ay kaa caawineyso kahortagga xanuunada wadnaha.

  1. Hurdo wanaagsan

Cunitaanka kalluun  badan waxa uu daawo u yahay dadka ay hayaan xanuunada hurdo la’aanta, dadka cuna kalluunka badan ayaa la sheegay inay helaan hurdo wanaagsan, cilmi baarayaasha ayaa aaminsan in tani ay sabab u tahay Vitamiin D-ga ka buuxa kalluunka oo dadka ka caawiya inay hurdo wanaagsan helaan.


  1. Wuxuu fududeeyaa niyad jabka

Waxaa la wariyay in kalluunka uu kaa caawinayo yareynta niyad jabka, mar kale waxaa la aaminsanyahay in maadada omega-3 fatty acids, ay sare u qaado kiimiko lagu magacaabo “serotonin “ oo ah kiimiko maskaxda kujirta oo kordhisa farxada iyo faya qabka qofka.

  1. Fa’iidooyinka qurxinta

Sida laga soo xigtay dhaqtar Nicholas Perricone oo ah dhaqtar ku taqasusay cudurada maqaarka, kalluunka lagu darsado cunnooyinka wuxuu gacan ka geystaa kahortagga haaraha kora wajiga ee qof u ekeeysiiya qof da’ ah iyo in wajiga qofka uu noqdo mid nadiif ah.

5.Maskaxda ayuu hormariyaa

Maadada EFA omega-3 ee laga helo kalluunka iyo nafaqada ka buuxda kalluunka ayaa ah mid faa’ido u leh caruurta maxaa yeelay waxay gacan ka geysataa horumarinta maskaxdooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button