Home XIRIIRKA IYO GUURKA 9 Sababood Oo Wali Aad Doob U Tahay, Una La’dahay Gabar Ku...

9 Sababood Oo Wali Aad Doob U Tahay, Una La’dahay Gabar Ku Rabta (Iska Bedel Dabeecadahaan)

0
  1. Waa lagu caajisaa la joogaaga, culeys ayaadna u aragtaa inaad gabar shukaansatid ama la sheekeysatid, haweenka waxay jecelyihiin ragga ay la sheekeysan karaan.
  2. Waxaad ka dhimatay labiska mana ihid qof soo jiidasho leh oo iscarfiya, naftaada ma daryeeshid, haweenka waxay ka helaan ragga labiska badan ee iscarfiya.
  3. Cajisloow ayaa tahay mana lihid ilo dhaqaale, haweeney kasta waxay jeceshahay nin howl kar oo shaqo adag oo ismaareyn kara, ma jirto haweeney rabta nin ay mas’uul ka tahay, uma baahno inaad noqotid taajir balse waxay rabtaa inay ogaato inaa tahay nin hadaf leh oo dadaal badan si uu riyooyinkiisa ugaaro.
  4. Waxaa tahay nin gacmaha ka falan marka aad haweeney la kulantid, ma jirto haweeney rabta nin taataabasho badan waqtiga ugu horeeya oo ay kulmaan, baro qaabka qadkaas looga gudbo.
  5. Ma taqaanid sida loola dhaqmo haweenka waxaadna u aragtaa kuwo liita, haweeney kasta waxay rabtaa nin xushmad xushmeynaya ulana dhaqma si wanaagsan, haweenka kama helaan ragga isla weyninka badan ee isla sareeya.
  6. Waxaad lasoo baxdaa kaftan aanan habooneyn marka aad u dhowdahay haweenka maxaa yeelay waxaa u heysataa wax iska caadi ah kana helaan taas, iska ilaali kaftanka xun.
  7. Ma garaneysid waxaad uga baahantahay haweeneyda, haweenka waxay rabaan ragga garanaya waxa ay uga baahanyihiin haweenka, nin ay uga cadahay inuu la joogo naag walba haweenka aad ayay u necebyihiin.
  8. Ma tihid nin isku kalsoon, kalsoonida waa waxa aad usoo jiita haweenka, waxay kaa fileysaa inaad noqotid nin isku kalsoon.
  9. Waxaa tahay nin dhaqan xun oo sumcadda ay ka dhimatay, ma jirto naag rabta nin dhaqan xun, kuma shukaansaneyso haddii ay aaminsantahay inaa tahay nin dhaqan xun oo haweenka garaaca ama naagba mar ku booda.