FAL laga argagaxo oo ka dhacay Muqdisho +SAWIRO

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka dhacay fal aad looga argagaxay kadib markii rasaas lagu huwiyay dumar badan oo ka soo laabtay goob uu ka socday AROOS.

Dhacdadan ayaa sida la sheegay waxey ka dhacday nawaaxiga Isgooyska SOS ee Magaalada Muqdisho.

Raxmo Macalin, ayaa u sheegtay Aayaha.net in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ay rasaas ku fureen gaari nuuca BL-ka u taqaan Soomaalida, kaasi oo mararayay meel aan ka fogeyn bar-koontarool ay Ciidamada ku leeyihiin Isgooyska SOS.

Raxmo ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 8 Ruux ay ku dhaawacmeen rasaastii ay fureen Ciidamada Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidanka ay ugu shakiyeen dadkan Xubno ka tirsan Al Shabaab, sidaasna lagu rasaaseeyay.


Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacayay falal aad looga argagaxo iyadoo xusid mudan in dhaawacyada dadkan la geeyay Isbitaalada ku yaalla Caasimada Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button