XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH RAGGA: 9 Sababood Oo Ay Tahay Inaad U Guursatid Haweenka Kor U Dhaafay 25 Sano

* Intabadan haweenka ay da’dooda 25 sano waa kuwo jilicsan isla markaana qibrad uleh shukaansiga maxaa yeelay fursadda ayaa ah inay ugu badnaan lasoo haasaaween hal nin oo ay qibrad kasoo faa’ideen qaladaadkoodii hore.

* Intabadan haweenka kabadan 25 sano waa kuwo dhaqaale ahaan madax banana, kuma tiirsanaadaan raggooda dhaqaale ahaan.

* Haweenka ka kor maray da’da 20-k isla markaana galaya ama galay 30-ka waxaad ka aragto ayaa ah waxaad ka hesho, waxay kugu jecelyihiin waxaad tahay balse dhab ahaantii lacag ma ahan.

* Haddii aad rabtid inaad la sal dhigato ama la aqal gashid sabab la xiriirta aragtideeda iyo muuqaalkeeda wanaagsan, waxaa hubanti ah inaad nolosheeda gacanta ku dhigeysid.

* Waxay ogtahay xaqiiqda haasaawaha, wayna adagtahay oo waa dhif inaad ku qiyaantohaweeney kor u dhaaftay 25 sano.

* Haweenka kor u dhaafay 25 sano waa kuwo jecel ragga marka la eego kuwa ka hooseeya 25-ka sano, waxaad u baahantahay inaad tustid kalgacayl haweeneyda ka hooseysa 25-ka marka la eego tan kor u dhaaftay sababtoo ah wax ka yartahay.

* Haweenka ka gudbay 25-ka waa kuwo si dhab ah u og baahida ay u qabaan nin iyagoo diyaar u ah in xiriirka ay ka dhigaan mid shaqeeya.

* Gabar kor u dhaaftay 25 sano waa mid isku dayday wax kasta oo ay nin kasta kusoo jiidan karto, si wanaagsan ayay u labistaa marka waa kuwo wax walba og.

* Waa geesiyaal sababtoo ah waa kuwo maskax wanaagsan, waana kuwo ismaareyn kara isla markaana dusha saran kara ninkooda marka ay jirto baahi ama dan.

Related Articles

Back to top button