6 Tilmaamood oo lagu garto marka uu Lamaankaaga ku xushmeeyo

Halkaan ka aqriso 6 sifo oo lagu garto marka uu ninkaaga ku xushmeeyo


  1. Marnaba mugdi kaagama tago iyo xaaladaha xun

Marka nin uusan xushmeyn gabadhiisa, wuxuu u dhaqmaa qaab aanan kalgacayl lahayn oo ay gabadha dareemi karto, waxaana kamid ah inuusan u sheegin waxyaabaha kusoo kordhay noloshiisa, mugdiga iyo marxaladaha culus ayuu uga tagaa isagoo aanan ka fekerin tani lama mid ahan marka ninka uu jecelyahay isla markaana xushmeeyo gabadhiisa; wuuu ogyahay inay aad muhiim ugu tahay sidaa darteed wuxuu u sheegaa waxyaabaha muhiimka ah ee kusoo kordha noloshiisa wayna adagtahay inuu go’aan qaato isagoo aanan la socodsiin.

  1. Gacan kuuma qaado

In xaaksaaga aad gacan u qaadid ama garaacdid oo kale ma wanaagsana, marka ninka haddii uu gabadhiisa dhab u jecelyahay waa kan ilaaliya oo dhowra marnaba gacan uma qaado umana geysto waxyaabo dhaawacaya.

  1. Daacad

Daacadnimada waa tayo ay ku yartahay xiriirada lmaanaha muddooyinkaan, waana waxa ugu horeeya ee laga rabo lamaanayaasha, marka uu nin xushmeeyo xaaskiisa micnaheeda waxa uu yahay wuxuu qimeeyayay xiriirka marka aad qiimeysid xiriirkana waxaad isku dayeysaa inaad daacad noqotid, sidaa darteed haddii uu daacad uu yahay si buuxda ayuu kuu xushmeynayaa.


  1. Raalli gelin

Xaqiiqda in ninkaaga ku xushmeeyo micnaheeda ma ahan inuusan qalad sameyneyn; ma jiro bini aadam aanan qalad sameynin balse farqiqa  ayaa ah wuu kaa raali galinayaa marka uu arko inuu qalad kugu sameeyay, nin xushmeeya oo ixtiraama xaakiisa maranaba ma raali galin waayo marka uu qaldanyahay.

  1. Si wacan ayuu kuula dhaqmaaa marka uula joogo qoyskiisa iyo saaxiibadiis

Qaar kamid ah ragga way liidaan ama xushmad aanan meel gaarsiisneyn ayay u muujiyaan, si wanagsan ula dhaqan haweenka marka ay kali tihiin iyo marka aad joogtaan meel ka baxsan hooygiina, ninka ku xushmeeya  waxa uu ku siinayaa xushmadda xittaa marka uu la joogo saaxiibadiis iyo qoyskiisa sababtoo ah waadka istaahishaa.

  1. Wuuku maqlaa

Ragga xushmeeya haweenkooda waxay maqlaan waxay yiraahdaan; xiriirka marnaba ma noqdo mid ugaar ah ninka; waa labada qof oo isku daya midba midka kale inuu u sameeyo waxyaabaha wanaagsan ee uu awoodo, hadeey ku adagtahay inuu ku maqlo kuma xushmeeyo, ninka maqla gabdhiisa marka uusan xittaa arrin ku raacsaneyn waa kan xushmeeyo xaaskiisa.


Aayaha Online

Hoyga Arrimaha Bulshada

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button