Maxaa lagu daaweeyaa Kansarka?

Hordhac

Markasta oo horumarka bani’aadamku sii kordho, guulo waa wayn laga soo hooyo ladagaalanka xanuunada, saboolnimada iyo aqoon-darrada, waxaa soo ifbaxa caqabado hor leh oo kuwii hore kasii kakan, waxaa sii murga mushkilado hore oo jiray, waxa soo kordha amaba loo dareen yeeshaa Xannuuno cusub ama kuwo hore u jiray aanse hore loogu baraarugsanayn. Ha’ahaato aqoonta oo koobnayd ama iyadoo lagu foogganaa qaar kasii halisaysan kana faafid badan.

Kansartu waa Xannuunka casrigan ,Waa aafo culays wayn ku haysa dunida oo dhan. Waa xannuun mudo kooban wax ku dila, ama ay riiqdiisu dheeraato oo qofka, qoyskiisa iyo bulshadaba muddo dheer saxariiriya.

Dalka maraykanka oo keli ah In ka badan nus milyan qof ayaa sanad kasta u dhimata xannuunka kansarka. Tiradaas saddex jibaarkeedna sanadkasta waxaa laga helaa xanuunkan. Dalka maraykanka oo ah dalka aduunka ugu qanisan in ka badan 250 bilyan oo dolar ayaa sanad kasta kaga baxda daawaynta iyo maaraynta xannuunka kansarka. Waa culays dhaqaale iyo midd bulsho oo aan wax lagu miisaamaa jirin.

Haddaba waa maxay Kansar? xaguu ka yimaadaa? Khatartiisu halkee ayay ku qotontaa? Ma jiraan sababo keeni kara kansarka? Malaga hortagi karaase?.


Su’aalahaas iyo qaar kale oo muhiim ah ayaan kaga jawaabi doonaa qormadan kooban. Ujeedadu waa in aynu kordhino wacyigeena ku aadan cudurkan, in aynu tilmaano calaamadaha hordhaca u ah qaar kamid ah noocyada xanuunkan, si dhayalsigu meesha uga baxo oo loo waajaho xili hore oo uu qabasho leeyahay.

Ugu horayn waxa jira in ka badan 200 oo nooc oo kansar ah. Kansarku wuxuu ku dhici karaa dhamaan unugyada kala duwan ee jidhka.

Si aynu u fahano kansarku wuxuu yahay, waxaa daruuri ah in aan fahano xaqiiqooyin guud oo ku saabsan jidhka bani’aadamka. Jidhkeenu wuxuu ku jiraa koritaan joogto ah, dhamaan noocyada kala duwan ee unugyada jidhku waxay maraan safar nololeed midkasta u gaar ah. Way dhashaan, kobcaan, gaboobaan kadibna dhintaan .

Safarkaasi wuxuu muhiim u yahay habsami u shaqaynta jidhka. Unugyadu marka ay gaboobaan ee ay howl gabaan, shaqadii ay hayeenna isdhinto, waxaa loo baahan yahay in meesha laga saaraa, qaar kale oo shaqada  halkaa kasii ambaqaadana lagu bedelaa si loo ilaaliyo faya-qabka guud ee qofka.

Tusaale ahaan Unugyada dheefshiidka qofku waxay noolaadaan shan cisho, kuwa dhiiga cas waxay noolaadaan 120 maalmood, kuwa maqaarka waxay noolaadaan 7 cisho, kuwa beerka 7 cisho. Unugyadaa dhintay waxaa booskoodii buuxiya, shaqadoodiina halkii kasii amba-qaada Unugyo cusub. Unugyada jidhka noloshoodu mawada koobna; qaarkood  ay noolaada oo sannado, sida unugyada lafaha oo noolaada kudhawaad  10 sano, muruqyada iyo neerfayaasha ayaa iyaguna sanado badan qaata inay is bedelaan.

Mucjisooyinka jidhka waxaa ka mid ah in marka Unugyadu gaadhaan shinkooda oo ay dhamaystaan muddadii ay shaqayn lahaayeen,in unug kasta iskii isku burburiyo  oo isu dilo, waa howgal loo yaqaan Programmed cell death (apoptosis)

Unugyadaas dhintay waxa booskoodii buuxiya, shaqadoodiina halkii kasii amba-qaada unugyo cusub oo si kastaba ugu dhigma, lana mid ah. Waxaa la yidhaa howl-galka Is-cusboonaysiinta Nudaha jidhka (Tissue Regeneration Process)

Hayaan-nololeedkaa ay ku jiraan Unugyada jidhku waa mid nidaamsan, qorshaysan oo aan la ogolayn in wax yar oo qalad ah ama khalkhal ahi galo. Waa howlgal talaabo kastaa sar go’antahay, falgalkastaa miisaaman yahay, wakhtigeeduna xadidan-yahay,

Macluumaadka hagaya howl-galkan waxa lagu kaydiyaa Khasnada Xogta (DNA) oo ku xafidan gudaha hide sidayaasha unugyada jidhka (genes).

Haddaba su’aasha is waydiinta leh waxa weeye; waa maxay xidhiidhika ka dhexeeya xannuunkan kansarka iyo hayaanka dib u cusboonaysiinta jidhka ee aynu soo tibaaxnay.

Kansarku wuxuu yimaadaa marka ay dhaawacanto ama  khalkhal galo khasnada Xogta kaydisa ee DNA-da, taas oo ay ka dhalato arimahani:

  1. In Unugyadii jidhku ay dhiman waayaan iyagoo shinkoodii dhamaaday.
  2. In uu qaldamo nidaamkii xakamayn lahaa samaysanka Unugyada cusub oo ay u tarmaan si aan kala joogsi lahayn. (Uncontrollable division of cells).
  3. Unugyada cusub kuwii saxda ahaa way ka samaysan duwan yihiin. Waxay wataan hide sidayaal cusub oo u gaar ah.
  4. Unugyada cusub tarankooda, nafaqo raadsigooda iyo qashin saarkooduba way ka madax bannaan yihiin nimaadka saxda ah ee ay u shaqeeyaan Unugyada jidhka ee dabiiciga ahi.

Afartaa arimood isku darkoodu wuxuu keenayaa in jidhka qofka ay kadhex samaysanto xubin qalaad oo dulin ah. Xubin unugyadeedu ka taran badan yihiin kuwa jidhka, ka cunto badan yihiin, ka qashin-samayn badan yihiin, ka dhiig qaadasho badan yihiin, awoodi karta inay iskeed isu maamusho, inay Unugyada caafimaadka qaba sadhayso oo khalkhal geliso, in ay faafto oo meelo kale oo jidhka ah sahan u dirato. Waa xubin mararka qaarkooda awooda inay sun samayso oo jidhka qofka kusii dayso. xubintaas waxa lagu magacaaba KANSAR.

Kansarrada qaar waxay samayeeyaan Hormoono xad-dhaaf ah oo u eg kuwa jidhku sida dabiiciga ah u samayn jiray, hormoonadan  oo iyaguna sii xoojiya dhibaatada xannuunka kansarka;  Kansarka noocan ah waxaa layidhaa Kansarka dilaaga ah( Malignant Tumour).

Waxa jira nooc kansar ah oo Isagu aan jidhka ku faafin, dhiigana aan raacin. Keliya isku kooba xubintii uu ka bilaabmay, iskuna dahaadha xuub u gaar ah. Xuubkaas oo kala sooca unugyada Kansarka ah iyo kuwa dabiiciga ah ee jidhka qofka. Noocan waxa loo yaqaan Kansarka fudud (Benign Tumour). Noocan sida loo daweeyaa way fududahay, waana laga bogsan karaa, inta badanna masoo laabto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button