Miyaad Guursan Rabtaa? Qaado Taladaan Oo Ah Mid Aad Kuu Anfici Doonta

Waxaa suurtagal ah inaad maqashay in kahor inta aadan guursan aad u baahantahay inaad noqotid qof diyaarsan ama u diyaar garoobay guurka sababtoo ah haddii aadan taas sameyn waxaad la saldhigan kartaa qof aanan kugu habooneyn.

Waxa aadan ku arkin hal nin waxaad ku arki doontaa mid kale, waa macquul in ninkaan uusan cabin ama uusan sigaaryo cab ahayn ama uusan naago badneyn balse wuxuu noqon karaa kan haweenka garaaca ama dhaqan iyo daceed kale oo xun ayuu leeyahay, waxaa sidoo kale macquul ah inuusan ahayn mid haweenka garaaca balse uu yahay nin sir badan ama shaqadiisa kahor mariya gabadha uu jecelyahay, dhaqamadaas oo kale waxaa leh haweenka, waxay noqon kartaa mid aanan ku qiyaanin ama been aanan kuu sheegin balse waxay noqon kartaa mid maandooriye cabta ama leh cillado kale oo xun aad ogaan doontid waqti xun, balse markaas haka cararin xaqiiqda aad wajahdid, cesho maxaa yeelay hadaad ka carartid waxaa macquul ah inaad qof kale oo kasii xun ama dhaqankaas oo kale leh aad gacmaha u gashid.

Qofna ma dhama ama ma jiro qof aanan cillad lahayn, waxaad u baahantahay inaad sameysid ayaa waxa ay tahay inaad eegtid nin ama naag ciladeeda aad xakameyn kartid ama kula dhaqmi kartid, kana caawi inay noqdaan qof wanaagsan oo meel cidlo ah ha uga tagin, ma jiro qof aanan cillad lahayn.

Guurka iyo haasaawaha marnaba ma noqdaan cillad la’aan, waxaad wajihi doontaa cillado waadna dagaalami doontaa sababtoo ah ma shukaansaneysid qofaan cillad lahayn mana jiro, waa inaad ku heysataa guurkana aad ka dhigtaa mid shaqeeynayo.

Haddii aad talooyinkaan niyadda ku heysatid waxay kaa caawin doonaan inaad heshid xiriir iyo guur deganaansho leh.


Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button