UGAAR AH DUMARKA: Gabaryahay Ilaali Sharciyadaan Si Guurkaaga Aad Ugu Raaxeysatid

1. Si cod dheer ha kula hadlin seygaaga; waa xushmad darro weyn

2. Ha usoo bandhigin tabardaradiisa qoyskaaga ama saaxiibadaa waxaa lagaa rabaa inaad noqontid qof difaac u ah.

3. Hala xiriirin adigoo isticmaalaya dhaqan aanan wanaagsaneyn ama si aanan wanaagsan ha ula hadlin wuuku dhibsnaayaa.

4. Hala barbardhigin rag kale – dareenkiisa ayay wax u dhibeysaa waxayna keeni kartaa inuu hoos u dhaco kalgacaylka uu kuu qabay.


5. Ha u xumeyn saaxiibadiis inaad necebtahay ama aadan jecleyn, taasi ma ahan masuuliyadaada balse waa tiisa.

6. Waxaa tahay xaaskiisa; wakil ha uga dhigin haweeney kale ama haweeney shaqaale ah.
7. haddii waxaad ka fileysay inuu kuu keeno uusan kuu keenin si daciifnimo ah ha ula hadlin sababtoo ah waa inaad u samirtaa, waa liiditaan inaad si hoose ula hadashid.

8. Haku ciyaarin hantidiisa, u maareey sidii loogu talagalay.


9. Had iyo jeer xasuusnoow in galmada ay muhiim u tahay guurka, ha udiidin farxaddiisa oo ha dhaawicin marka uu raaxo u baahanyahay.

10. Ha xushmad dareyn inta aadan caruur u dhalin, taas saameyn ayay ku yeelaneysaa sanado badan.

11. ka feker muuqaalkiisa jir ahaan, taasi micnaheeda ayaa ah inaad hubisid inuu qurux yahay ama si wanaagsan u labisan yahay haddii banaanka uu aado isagoo umadda wada eegayaan taasi adiga ayay foolxumo kuu tahay.

12. Ka ilaali saaxiibadaa guurkaaga iyo ninkaaga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button