Wax badan ka ogoow Waxyaabaha Keena in Kelyaha ay shaqo gabaan & Qaababka looga hortago

Kelidu waa mid kamid ah xubnaha jirka bini aadamka ee ugu muhiimsan.


waa labo xubnood u kuyaala labada dhinac ee qaybta hoose dhabarka

Shaqada ugu weyn oo ay noo qabtaan kelyuhu waa in ay dhiiga ka qashin saaraan sunta ka imaanaysa jirka,

Suntaasi iyada oo kaadi ahaan waxa ay ku shubayaan si loo qashin saaro kaadi haysta dabadeed jirka waa laga saarayaa,


Kalidu waxa ay shaqo gab noqotaa marka ay lumiso awoodii ku shaandheyn jirtey dhiiga si ay uga saarto suntii jirka ku jirtey.

CALAAMADAHA LAGU GARTO MARKA KALIDU AY SHAQADA JOOJISO.

-Kaadida oo yaraata.


-barar lugaha, jilibka iyo anqawga ah

-neefta oo qofka dhibta

-daal iyo afka oo qalala

-lalabo iyo wareer

-xanuunka xabadka ah

-qalal ama kooma

Calaamadahan qayb kamid ah ayaa qofka laga heli karaa ama lagama wada heli karo dadka qaybna mar danbe ayey calaamadahaan kasoo muuqdaan.

MAXAA SABABA IN AY KELIDU SHAQO GAB NOQOTO?

Qof walba oo kalidu shaqo gab ka noqoto waxaa ku sababey dhowrkaan arimood midkood,

1=KELIDA OO DHIIGU UU KA YARAADO

Si kadis ah ayaa dhiigu u yaraan karaa kelida waxaana jira xanuuna sababa in dhiiga kelida imaanaya uu yaraado waxaana kamid ah.

-xanuunada wadnaha ku dhaca

-xanuunada beerka ku dhaca

– dab saa’id ah in aad ku gubato

-biyaha jirka ku jira oo kaa yaraada

-xasaasiyada oo qofka aad ugu kacda

-ekfeshinka dhiiga ku dhaca

-dhiigaada oo kor ukaca”dhiikarka”

2=IN AY XIRMAAN TOOBOOYINKA KELIDA KAADIDA KASOO QAADA.

Waxaa keeni kara toobooyinkaas in ay xirmaan waxaa kamid ah

-kansarka loo yaqaano prostate oo ragga u badan, kansarka kaadi haysta iyo kuwa kale.

-dhagaxaan ku sameysmata kelida .

-xinjirowga dhiiga.

-dhaawac gaara neerfaha kaadi haysta.

Intaas oo marxaladood mid kamid ah marka ay dhacdo waxaa dhacaysa in kelidu ay kaadida iska soo saari wayso ama ay kaadidi dib ugu laabato sidaasna ay shaqo joojiso.

Waxaa jira xanuuno kale oo keeni kara hadey kugu dhacaan in kelyihu ay ku shaqo gabaan sida,

-ekfeshinada

-xinjirowga dhiiga

-kansarada qayb kamid ah

-xidida dhiiga qaada oo caabuq ku dhaco

-cudurka sonkorta ama macaanka.

MAXAA DAAWEYN U AH KELYAHA.

Kelidu mar hadii ay shaqo gab noqoto oo ay dhimato masoo laaban karto,

Nooca daaweynta aad u baahan tahay waxay ku xiran tahay sababta kalyahaaga ay shaqo uga istaagtey,

MASHIIN QABANAYA SHAQADII KELYAHA

mashiinkaan waxaa loogu tala galey dadka ay dhimatey kelidooda waxa uuna u qabtaa dadkaas shaqadii ay qaban jirtey kelida ee ahayd in dhiiga uu ka saaro sunta ku jirta.

Mashiinkani ma ahan mid daaweynaya kelida oo soo celinaya shaqadii kelida ee waa mid lagugu xirayo kalida aad ayuuna qaali u yahay waxadna u baahantahay mar walba in lagugu xiro.

KELI QOF KALE IN LAGUUGU DEEQO

Inta badan waxaa jira sugitaan muddo dheer ah SI lagugu helo kelyo deeq-bixiye ah oo la mid ah jidhkaaga,

inkastoo haddii aad haysato deeq-bixiye noloshu si dhakhso ah u socoto.

Faa’iidooyinka ayaa ah in kelyaha cusubi ay si fiican u shaqeyn karaan,

Khasaaruhu waa in aad qaadato daawooyinka difaaca jirka hoos undhiga ka dib qalitaanka maadaama uu difàaca jirka uu isku dayayo xubintaan cusub ee jirka lasoo galiyey in uu bur-buriyo isagoo u arkaya cadaw jirka soo galey marka waa in difaaca jirka hoos loo dhigaa.

SIDEE LOOGA HOR TAGGA IN KELYIHU AY KU ISTAAGAAN?

1= Cab biyo badan maalintii

2= ka dheeroow isticmaalka qamrida

3= kafeega ha isticmaalin

4= cabitaanka canabka badso

5= cabitaanka tufaax badso ama caadi u cun

6= liin dhanaanta badso cabitaankeda

W/Q: Dr Mohamed Amen

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button