XIRIIRKA IYO GUURKA

Miyay Lacagta Muhiim U Tahay Guurka ? [Daraasad]

Daraasaad dhawaan la daabacay ayaa sheegeysa in lacagta ay muhiim tahay in qof waliba uu heysto ka hor inta uusan qorsheyn guurka mustaqbalkiisa.

Warbixintan cusub ayaa shaacisay in jaceyl aan dhaqaalo loo heynin uusan waxba soo kordhineyn.

Daraasadan cusub ayaa sharaaxaad dheer ka bixisay muhiimada lacagta ay leedahay ka hor guurka inta uusan qofka isku dayin.

Dhaqaalahan ayaa lagu micneeyay mid fududeyn karta caqabadaha ka horimaanaya xiriirka lamaanahaaga.

Jaceylku waa kalsooni iyo farxad ka dhaxeysa labada ruux balse hadii labada qof ay go’aansadaan ay midoobaan oo hal meel ay ku wada noolaadaan, taasi ayaa ah midda u baahan dhaqaalo.

Hadii aysan jirin wax dhaqaalo ah waxaa adkaan doonta in ay isku yimaadaan labada ruux ee jaceylka uu ka dhaxeeyo.

Si aad u hanato jaceylkaaga guushiisa waa marka hore in aad ku xisaabtantaa dhaqaalaha hadba aad heysato.

Related Articles

Back to top button