Ninyohow Afartaan Waxyaabood U Sameey Haweeneyda Haddii Aad Rabtid Inay Kugu Riyooto

Haweenka waxay rabaan afartaan waxyaabood ee hoos ku qoran iyadoo aanan la eegeyn da’dooda.


1- Haweeney Kasta waxay ninka ka rabtaa daacadnimo iyo inuu u sheego runta mar kasta, dhib malahan da’deeda haddii ay xittaa waayeel tahay waxa u baahantahay nin indheer garad ah oo daacad u noqda oo ay aamini karto wax kasta uu yiraahdo sidoo kale dhib malahan da’ada ay ku guursatay ma dooneyso been.

2- Ma jirto haweeney dooneyso in ninkeeda lala wadaago inta ay jeceshahay nafteeda kaliya ayay kula rabtaa, way dhawaceysaa inay aragto ninkeeda oo la haasaawaya ama arrimo ay kala dhexeeyaan haweeney kale dhib malahan da’deeda, haweeney kasta waxay rabtaa nin ay ku kalsoontahay mar kasta.

3- Ma jirto haweeney dooneysa nin aan kalgacayl lahayn, waxay rabtaa in ninkeeda uu si dhab ah u jeclaado marxalad kasta oo ay ku jirto waxba kama galin haddii ay jirto 20, 40, 50 ama 80 sano waxay had iyo jeer u baahantahay nin u muujiya jacayl oo sidii boqorad u kool kooliya.


  1. Haweeney kasta waxa rabtaa dareen jacayl leh, ma dooneyso inaad u aragtid qof iska caadi ah, waxay rabtaa inaad u muujisid sidii inay tahay boqoradda adduunka iyo haweeneyda dunida ugu nasiibka badan, naag kasta waxay rabtaa nin indhaha ku haayo.

Dhib malahan da’da aad ku guursatay haweeneydaas, afartaan waxyaabood ismabedelaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button