Saddexdaan Waxyaabood Ka Feker Kahor Inta Aadan Dib Ugu Laaban Nin Aad Horey U kala Tagteen

Dadka way isku dhacaan wayna kala tagaan marka uu xiriirka noqon waayo sidii loogu talagalay.

Si kastaba, Waxaa jira waxyaabo aad u baahantahay inaad ka fekertid inta aadan dib ugu laaban nin aad horey u kala tagteen.

1- Mararka qaar waxaan rabnaa inaan dib ugu  laabano raggii aan horey u kala tagnay maxaa yeelay kama maarano waan u baahanahay waan u xiisnay dib ayaana u rabnaa waxa jira farqi.

Haddii aad dib ugu laabaneysid ninkaagi hore waa inaad diyaar u noqotaa inaad iska illoowdid wixii hore ee aad kala kulantay ama idin dhex maray haddii ku dhaawacay ama dhib kale uu kuu geystay iska illoow iskuna day inaad hore u socod noqotid.


2- Haddii aad dib ugu laabaneysid nin aad horey uga carartay waxaa wanaagsan inaad qof wanaagsan iska dhigtid, ma noqon karto todobaad kale ama bil kale oo galmo iyo raaxo ah  waa inay jiraan waxyaabo intaas ka badan oo kugu jira miyaad dib iskugu laabaneysaan si aad u sal dhigataan haddii ay arrinta sidaas tahay ma ahan fikrad xun ka feker mustaqbalkaaga.

3- Marka ay xaalad xun idinka dhex dhacday adiga iyo qofkaas, waxaa jiray dad ku dhinac istaagay isla markaana ku jeclaa oo ku taageeray, waxaa wanaagsan inaad ka fekertid dareenkooda ku aadan inaad dib ugu laabatid ninkaas.

Dabcan waa noloshaada iyo farxaddaada balse waa inaad ka fekertaa sida ay ula muuqata warkaaga ku aadan inaad dib ugu laabatid ama dib ula midoowdid ninkii shalay kusoo xumeeyay iskana hubbi in go’aankaaga uusan noqon mid aad dib uga shallaaydid.


Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button