Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Xoojisid Xiriirka Kaala Dhexeeyo Lamaanahaaga Oo Kaa Fog

Lamaanaha marka ay kala fogyihiin dhibaato iyo qilaaf xoogan ayaa soo kala dhax gala, hadaba talooyinkaan hoos ku xusan adiga ayaa laguugu talagalay.

1. Aaminaadda, is aaminaad la’aan xiriirka ma guuleysanaayo, uma qaadan kartid in lamaanahaaga uu ku qiyaanayo mararka qaar haddii uusan ama aysan ka jawaabin wicitaankaaga ama fariimaha aad u dirto.


2. Maseerkaaga xadeey. Dhammaanteen waa maser badanahay balse waa inaad xadeysaa haddii kale wuxuu keenayaa burbur oo wuxuu gaarayaa meel aanan wax ka qabasho lahayn.

3. Tusi inaad ka fekertid, shaqsi ahaan lama joogi kartid balse taleefan ahaan la xiriir ama baraha bulshada kala hadal, waa inaad la xiriirtaa had iyo jeer waana inaadan joojin xiriirka, ka wareeyso xaaladdiisa maalintaas sida ay ahayd, caafimaadkiisa, qoyskiisa iyo wax walba oo wanaagsan, waana sidaas qaabka aad ku tuseysid inaad jeceshahay.

4. Maareey waqtiga aad la qaadaneysid, ma arkeysid intabadan balse marka aad fursad ku heshid waa in fursaddaas aysan kaa lumin ama kaa qasaarin, hala hadlin waxyaabo hore oo dhacay waain waqtigaas uu noqdaa mid uu xasuuta mar walba.

5. Haddii aad heysatid adeegyada baraha bulshada, sida SKYPE iyo Whatsapp intabadan kuwaas kawac, barnaamijyadaan ma ahan oo kaliya wada sheekeysi balse muuqaal ayaad kula sheekeysaneysaa.

6. Iska Ilaali qiyaano, qiyaanada way adagtahay mar hadaad barato inaad joojisid waxaa wanaagsan inaad noqoto qof wanaagsan oo aanan qiyaano aqoonin haddii kale duufsi iyo dhibaato ayaa imaaneysaa oo aaminaadda ayaa Meesha ka baxaysa hadii ay aaminaadda Meesha ka baxdo guurkana waa burburnaa waana wax la hubo.

7. Aragtida, dhib malahan fogaanta waxaa muhiim ah in waqti la isku helo marar qaar la is booqdo haddii nin xaaskiisa soo booqan karo way wanaagsantahay ama xittaa haddii ay xaaska ninkeeda u imaan karo, in waqti lawada qaato jacaylka ayay sii xoojineysaa.

W/Q: Foos Yuusuf (Qaran)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button