Maxaa ka jira in shaqadu burburinayso guurkaaga?

Waa laga yaabaa inaad tahay qof shaqo jecel, dadkuna ugu yeeraan hawl kar aan caadi ahayn, kaas oo shaqeeya asbuucii 80 saacadood. Waa laga yaabaa inaad habayn walba xaaskaaga ama ninkaaga aad u sheegtay in shaqadu kugu daahday, maamulahaaga ku kadeeday iyo wixii la mid ah.


Laakiin in asbuuc oo dhan aan shaqada kaliya siinno, waxay dhibaato iyo saamayn xun ku leedahay xiriirka labada lammaane. Haddaba Lynn Taylor oo ah khabiir xagga arrimaha bulshada iyo shaqada ayaa qodobadaan hoose ku qoran ku faah-faahiyay arrimaha dhibaateeya guurka ee shaqada la xiriira.

Hadii shaqadaada aad ka hormarisid hawsha reerkaaga.

Hadii aad is aragtid adigoo ka meeraysanaya hawlihii aad qoyskaaga u qaban jirtay, sida inaad danno usoo fullisid, gaari ku qaadid oo qof soo tustid, ama casho gaysid, waxay cadaadis xun ku keenaysaa xiriirka qoyskaaga.


Shaqada ayaad aad ugu dadaasha, ma heshid waqti aad lammaanahaaga la joogtid.

Hadii shaqadaadu qaadato dhammaan waqtigii iyo tamartii iyo xooggaagiiba, buugga ku qoro waxay saamaynaysaa xiriirka lammaanahaaga.

Hadii aad mar walba lammaanahaga tallo ka waydiiso shaqadaada.


Hadii aad is-aragtid adigoo mar walba tallo iyo kaalmo ku saabsan xagga shaqada waydiisanaya lamaanahaaga, gaar ahaan shaqada xigta eed dooranayso waxay dhaawacaysaa xiriirkiina.

Hadii aadba waydid wax aan shaqada ahayn ood ka hadashid.

Hadii aad inaba waydid mawduuc kale oo aan shaqadaada ahayn oo aad lamaanahaga kala hadashid, taasi waa astaan xun.

Hadii in badan la muranto lammaanahaaga.

Hadii culayskii shaqada kaa haystay uu xaafadda kula soo galo, taasi waa astaan xun oo dhaawacaysa xiriirkiina.

Hadii Isku buuq lagaa dareemo.

Hadii lammaahanaagu kaa dareemo isku buuqsanaan iyo inay shaqadii kaa tan badisa, waxay keenaysaa inaad nacdid in dad kula joogaan, sidaa daraaded xiriirkii qoyska ayay dhaawacaysaa.

Hadii aad isku daydo inad waqti ku dhumiso inad qof walba qanciso.

Ma waxaad tahay qof wax walba iska illaaway, si uu shaqadiisa meel sare ka gaaro, ma waxaad tahay qof hawlihiisii caadiga ahaa sida kuwii reerka, iyo xataa jimicsigii iyo nashaadkii u ilaaway shaqada, taasina waa calaamad xun.

Hadii aad Shaqada ku raaxaysatid Gurigana nacdid.

Hadii gurigaaga iyo lajooga lammaanahaaga laguugu diro, oo shaqada iyo xafiiskaagu kuu macaanaado, waa astaan u dhamaynaysa xiriirkaaga.

Hadii aad dareenkaaga ugu sheegtid lammanahaga qaab bahdilaad ah.

Adigoo ilaawa xushmadda lammaanahaaga, hadallo xaqiraadana ku dhaha, marka aad rabtid inaad wax u sheegto, waxay dhaawacaysaa xiriirkiina.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button