Maxaad ka taqaan hab-dhaqanka dad qaar?

Baaritaan si guud ahaaneed loo sameeyay ayaa lagu oggaaday in dadka calaamadaha hoos ku xusan wata ay yihiin waxyaabo ka tarjumaya shaqsiyadda qofkaasi iyo xaaladda uu markaasi ku sugan yahay.

Hadaba waxaa idiin soo gudbinaynaa 12-qodob oo sharaxaya hab-dhaqanka dadka qaar iyo waxyaabaha ay ka dhigan yihiin:

1. Hadii aad aragto qof wax badan seexdo oo iska hurdo, waa qof murugo badan.

2. Hadii aad aragto qof wax yar hadlo, balse boobsiis u hadlo, wuxuu xafidaa sirta (Waa sir haye)


3. Hadii aad aragto qof cuntada u cuno si aan caadi ahayn, waa neerfooso.

4. Hadii aad aragto qof waxyaabo yar yar ka oohiyaan, waa qof daacad ah oo qalbi jilicsan.

5. Hadii aad aragto qof ka caroodo waxyaabo yar yar ama nacasnimo ah, wuxuu u baahan yahay Jaceyl.


6. Hadii aad aragto qof wax kastoo la weydiiyo si adag oo qalafsan uga jawaabo is difaacana ku badan yahay, waxaa haya cuqdad nafsi iyo kalsooni darro.

7. Hadii aad aragto qof markii uu faraxsan yahay aan hadalka joojin karin, markii uu murugeysan yahayna aan eray oran karin, waa qof aan naftiisa kontorooli karin.

8. Keli ahaanshuhu waxay qofka ku sababtaa inuu qubeyska ku daaho, wax badan hurdo, aadna u fakiro

9. Hadii aad aragto qof markii la amaano farxo, markii wax laga sheegana caroodo, waa qof remote-control dad kale u hayaan oo kolkii ay rabaan badeli karaan.

10. Inaan xiriirka lagu murmin waxay ka dhigan tahay inuusan xiiso jirin, dadka sida aadka ah isku daneeyaa way murmaan marmar.

11. Hadii aad aragto qofka dantiisa dadka uga dhigo dan guud, waa af-miinshaar (Turufatoore)

12. Hadii aad aragto qof markii uu rabo inuu dadka wax u sheego yiraahda afkeena waa isku amaan ama dhaaro inaadan cid kale u sheegeen, waa Xan badane Shar ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button