5 Waxyaabood Oo Nin Baarri Ah Kaliya U Sameynayo Xaaskiisa (Isku Day)

Shabakadda Aayaha Online, waxay idiin soo gudbineysaa 5 Waxyaabood uu xaaskiisa u sameynayo nin baariya kaliya.

  1. Wuu aaminsanyahay

Ninka baariga ah wuxuu aamisanyahay xaaska noloshiisa, wuxuu aaminsanyahay inay noqoneyso xaas wanaagsan, wuxuu aamisanyahay inay ku habboontahay, wuxuu aaminsanyahay inay tahay haweeneyda ugu wanaagsan, wuxuu aaminsanyahay riyooyinkeeda mana isku dayo inuu ka burburiyo aad ayuuna u aaminsanyahay.

  1. Wuu qiimeeyaa

Ninka baariga ah waa kan qiimeeya haweeneydiisa isla markaana ula dhaqma sidii boqorad, wuxuu qiimeeyaa xiriirka kala dhexeeya isagoo u muujiya inay tahay haweeneyda kaliya ee dunida uu ka doortay.

  1. Wuu ilaaliyaa

Iyadoo ragga kale ay dhaawacaan haweenka jir ahaan iyo maskax ahaan, ninka baariga ah wuu ilaaliyaa xaaskiisa, muuqaalkeeda ayuu dhowraa, jirkeeda, dareenkeeda iyo wax kasta oo quseeya, wuu daneeyaa, waana difaaceeda.

  1. Wuu jecelyahay

Si daacad ah ayuu u jecelyahay, mana sameynayo wax dhaawacaya,jacaylka uu u qabo ficil ahaan ayuu ugu muujiyaa.


  1. Wuu u duceeyaa

Ninka aadka u wanaagsan ee baariga ah wuxuu doonayaa in xaaskiisa ay noqoto mid aad u wanaagsan; wanaag ayuu u rajeeyaa waana u duceeyaa wuxuu daneeyaa wanaageeda isagoo doonaya inay noqoto mid aad u wanaagsan.

Ninka baariga ah waa nin ay naag kasta ay u baahantahay balse haweeneydii nasiib leh unbaa hesha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button