6 Waxyaabood Oo Yar Yar Oo Burburiya Xiriirka Lamaanaha

Waxaan halkaan inkugu soo gudbineynaa 6 dabeecadood oo burburin kara xiriirka lamaanaha.

  1. Kalama hadashid lamaankaaga/lamaataada baahiyahaaga iyo waxaad rabtid

Waxaa qalad in lamaantaada aysan ogaan baahidaada iyo waxaad uga baahantahay xiriirka, haddi lamaantaada ay sameyneyso waxyaabo ku dhaawacaya ama kaa yaabiyay waxaa wanaagsan inaad u sheegtid.

  1. Ballan ka bax

Waad dhaawacday lamaantaada/lamaankaaga marka aadan ilaalin ereyadaada waxay baabi’ineysaa kalsoonida xiriirka, had iyo jeer hubi inaad ka dhabeysid ballamahaaga sababtoo ah niyad jab yar ayaa keeni kara dhaawacyo waaweyn.

  1. Lacag ku ciyaar

Inaad qarashka ugu ciyaartid si aananmacquul ahayn waxay keeneysaa dhibaatooyin dhaqaale oo saameynaya qoyska, lacagta muhiim ayay u tahay xiriirka, dhibaatooyinka lacagta waa waxa ugu weyn ee iminka sababa burburka qoyska, si macquul ah u isticmaal.


  1. Been cad oo aad sheegtid

Waxaad aaminsantahay in beenta yare e cad ee aad sheegtid ay tahay mid aanan dhaawac lahayn balse waxay saameeyneysaa kalsoonida ay kuu qabto lamaantaada/lamaankaaga haddii ay ogaato, marka kasta daacadnimada ayaa wanaagsan.

  1. Shaqada ood hormarisid

Shaqadaada waa muhiim, waa inaad isku dheeli tirnaan u heshaa xiriirkaaga iyo shaqadaada, had iyo jeer inaad shaqada hormarisid oo lamaantaada aad gadaal geysid waxay burburin kartaa xiriirka.

  1. Fariimo badan iyo wicitaan yar

Lamaanayaal badan ayaa door bida fariinta inta ay toos isku wici lahaayeen, balse cilmi baaris ayaa sheegtay in wicitaanka lamaantaada aad wacdo ay faa’ido u leedahay xiriirka, wax ka wanaagsan ma jiro in cod ahaan la isku maqlo.


Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button