NIN sheegay in 10 sano uusan farxad ka helin XAASKIISA

Wargeyska PULSE ayaa waxuu daabacay warbixin oo jiidatay dad badan, kadib markii uu maqaal ka qoray nin sheegay in uusan Xaaskiisa wax farxad ka helin muddo 10 sano.

Ninkan ayaa waxuu sheegay in guursaday xaaskiisa 10 sano ka hor, haatanna ay u joogaan labo caruur ah, balse aysan jirin wax farxad ah oo dhexmartay labadooda.

Waxaa uu u sheegay Wargeyska in muddada 10-ka sano ay waqtigooda ku qaateen qeylo iyo dagaal, wax farxadna aysan mar qura wada qeybsan.

Ninkan oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in uu aad u jecel yahay xaaskiisa, balse uu wajahayo dhibaatooyinkan.


Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu yiri in Xaaskiisa ay aad u neceb tahay qoyskiisa, isagana uusan awood u la heyn in uu xakameeyo Xaaskiisa, maadaama uu jaceyl xad-dhaaf ah u qabo.

“Marwaliba wey i dharbaaxdaa, anigana aad ayaan u jeclahay. Xaaskeyga waa qof aad u dhi baato badan marka la eego dhanka nolosha”, sidaasi ayuu yiri.

Aayaha Online


Xafiiska Muqdisho

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button