Sadexdaan Waxyaabood Haku Dhihin Xaaskaaga Hadaad Rabtid In Guurkaaga Uusan Burburin

Shabakadda Aayaha Online, waxay idiin soo gudbineysaa 3 waxyaabood oo ay tahay in lamaantaada marnaba aadan ku dhihin.

  1. Xaaskeygi hore sidaan ma ahayn

Waxaad adiga isku dayeysaa inaad wax u sharaxdid ama inaad wax jecleysiisid, balse inaad haweeney kale tusaale uga dhigtid xaaskaaga si ay ugu daysato ayaa qalad weyn ah oo aad ka gashay gabadha, marka iska jooji.


  1. Maxaan kuugu sheega Meesha aan joojo ama u socdo

Tani waa xushmad darro tii ugu weyneyd dhab haddii laga hadlo.

Qof kasta xushmad ayuu istaahilaa, xiriirkana kasii daran, si kastaba ninka si isdaba jog ah ugu sheega xaaskiisa inaysan u qalmin inuu u sheego Meesha uu joogo ma xushmeeyo xaaskiisa mana qiimeeyo xiriirka waxaana wanaagsan inaad ka tagtid.

  1. Sabab aadan u noqon Karin heblaayo oo kale

Inaad la meel dhigtid xaaskaaga haween kale wanaag ma keeneyso sababtoo ah xiriirka kaliya ayay burburineysaa.

Iska jooji, Waxaa macquul ah in lamaantaada aad u qaadatid inay si caadi ah hadalkaas ama haweenka kale ee aad la meel dhigtay u qaadatay balse taasi waxay dib ka keeneysaa muran xoogan oo aad xallin weyso.

Haddii aad rabtid haweeneydaada in haweenka aad la meel dhigeysid ay ka wanaagsanaato ama haddii ay wanaagsanyihiin la mid noqoto ammaan oo si wanaagsan wax ugu sheeg, ku amaan dadaalkeeda si ay u laba jibaarto, si xushmad leh u sheeg cilladaheeda adigoo aanan tusaale ugu soo qaadan haween kale, haddii kale hadaad haween kale tusaale ugu soo qadatid ogoow xiriirkaas waa burburayaa taladaasna ma qaadaneyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button