Sidee Ku Heli Kartaa Xaas Wanaagsan?

Waa su,aal in badan qof kasta is weydiiya sida aad ku heli karto xaas fiican ama nin fiican waa masalo in badan ku soo dhacda maankada oo aad u weysay jawaab waa masalo aad ka shaleysay gabdha aad qabtid oo caruurta ku dhashay in ay tahay mid lagu qasaaray oo aanba waxba lagu xulan karayenin.


Waa mid qalbi jibin iyo naxdin kugu rideysa markii aad guursatay nin aan diin laheen ,dhaqan laheen una wanaagsanin naftadda iyo caruurta waa mid hurdo yari iyo oohin kugu reebtay waa mid markasta isku qancisa waa ilmaha aabahood iyo hooyadood ee iskaga samir. Hoogto waad hoogtay samir beel.

Majalad ayan ka aqriyey guurka lagu guursado 20 jirka in u yahay mid fashil ah

Markii laga reeba mid waalidkaada ku dooray in aad heshid nin/naag wanaagsan lakiin wixii ka soo hara in ay tahay biyaha ka dhax argaa,


Sidee ku xulan kartaa xaas/sawaj fiican

Ninka waa in u ahadaa nin diin u nasab ah

waa in u ahadaa nin naxariis badan


waa in u ahadaa nin fir fircoon oo wax abuur leh

waa in u ahadaa nin aqlaaq fiican leh,

ha guursan mid jaadka cuna

ha guursan mid gabdhaha dila

ha guursan mid hadal xun oo ku bah dila

ha guursan mid xumaantaada banaanka dhiga

Gabadhu waxaa lagu xushaa xishood,diin iyo in ay tahay qof aamin ah

waa in ay noqtaa mid ku kalsoon nafteeda iyo ilmahaheeda

odey yashii hore waxay dhihi jireen hadii aan dhinto wal wal kama qabo xaaskeyga micnaheed waxay tahay in ay tarbiyaneyso ilmaha oo ay diinta bareyso,

Yaa raba naag caariyad ah oo aan xishoon oo meel kasta taagan taasi waa mid lagu qasaaray.

Yaa doonaya naag ku dhax jirta rag iyo bulsha kale yaa doonaya naag heeso iyo fisqi ku dhax jirta.

Ninkii raba mid noocas oo kale waa mid qasaaray Gabadhu hadii ay rabtid nin naago ku dhax jira,qayilaya , ka dhaxaya habeenkii miyuusan xanuun u keeniyenin walaaley ha guursan nin noocas oo kale.

Guurkada wuxuu sameyn ku leyahay nolasha iyo mustaqbalka fog iska ilaali oo ka fagoow in aadan ku dhicin balaayo la soo habaray guurku waa fursada ee ka faideyso fursadada.

W/Q: Dr Cadceed

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button