10 Waxyaabood Oo Haweeney Kasta Ay Ka Mudantahay Gacaliyaheeda Inuu Usameeyo

Waxaan maanta idiin soo gudbbineynaa 10 waxyaabood oo haweeney kasta ay ka mudantahay ninkeeda.

  1. Farxad badan

Waxaad mudantahay inaad heshid xiriir ay farxad badan wehliso, uma qalmo inuu gacaliyahaaga noqdo haddii uu mar walba kaa oohiyo.

  1. Xushmad

Haweeney kasta waxay ninkeeda ka mudantahay xushmad, ma sheegan karyo inuu ku jecelyahay haddii uusan ku xushmeyn.

  1. Dhiiri gelin

Haweeney kasta waxay u qalantaa nin ku dhiiri galiya inay noqoto qof wanaagsan, waa inuu kugu dhiiri galiyaa inaad riyooyinkaaga aadan ka harin isla markaana uu madaxa kaa shumiyaa marka ay wax u socon waayaan sidii aad rajeeyneysay.

  1. Xiriir joogto ah

Waa in ninkaaga uu kusoo wacaa farina kuusoo diraa maalin walba, dhib malahan si kasta uu mashquul u yahay, waa inuusan hilmaamin inuu ogaado sida ay xaaladdaada tahay.

  1. Waa inuu ku farxaa guulahaaga

Waxaad u mudantahay nin ku farxaya guulaha aad gaartay balse aanan ka naxayn, waa in ninkaaga uu bulshada kugu dhex amaanaa maadaama aad u qalantid.

  1. Daacad

Haweeney kasta waxay ninkeeda ka istaahishaa daacadnimo, man jiro xiriir dhisnaanaya daacadnimo la’aan, haddii uu dhab kuu jecelyahay daacad ayuu kuu noqonayaa.

  1. Waxaad u qalantaa in lagu maqlo

Haweeney kasta waxay ninkeeda ka mudantahay inuu warkeeda maqlo, haweeney kasta waxay u baahantahay in la maqlo lana fahmo.

  1. Fursad kale

Haweeney kasta waxay uqalantaa nin cafiya oo mar kale fursad siiya, waad sameeyneysaa qalad mararka qaar waaxdna u qalantaa nin kuu cafiyo qaladka.

9.Nin ku faaniya

Haweeney kasta waxay istaahishaa nin amaana isla markaana u arka inay tahay haweeneyda dunida ugu quruxda badan.

  1. Nin ka yaabsada

Haweeney kasta waxay u baahantahay nin waqtiyada qaar kaga yaabsada hadiyado iyo wixii lamid maadaama ay haweenka jecelyihiin waxyaabaha lama filaanka ah.

Related Articles

Back to top button