7 Waxyaabood Oo Lamaanaha Aadka Iskujecel Ay Isdhahaan Subax Walba

Maxaad lamaantaada/lamaankaaga u sheegtaa subax walba? Lamaanaha isjecel jacaylka ayay isku muujiyaan subax walba iyagoo isdhahaya waxyaabahan hoos ku qoran.

  1. “Subax wanaagsan”

Haddii ay jeceshahay xaaskaaga/seygaaga, waa inaad maalintaada ku bilaawdaa inaad ku tiraahdid “Subax Wanaagsan” subax wanaagsan micnaheeda ayaa ah inaad lamaantaada u rajeeyneysid waxyaabo wanaagsan subaxdaas, waxay noqon kartaa salaam uun balse markii la si dhab ah loo micneeyo salaam wey ka badantahay.

  1. “Habeenkaaga wuu qurux badnaa”

Daneey sida uu lamaankaaga/lamaantaada habeenkeeda uu ahaa, lamaane walba oo isjecel waa kuwo isu muujiya kalgacayl iyo sida midba midka kale uu u daneynayo.

  1. “Waanku Jeclahay”

Usheegidda qof inta uu la egyahay jacaylkaad u qabtid waa wax micno wayn xambaarsan,haddii labadiina uu midba kan kale jecelyahay  wax ku jaban malahan in subax waliba la isdhaho.

  1. “Maalinka hakuu qurxanaado”

Subax waliba u rajeey lamaankaaga/lamaantaada maalin qurux badan; waana taas waxa ay sameeyaan lamaanaha isjecel

  1. “Waankuu xiisay”

Haddii aad qof aad u jeceshahay, waad u xiiseysaa haddii uu kaa fogyahay, aad ayay u wanaagsantahay in qofka kugu weyn aad u sheegtid sida aad ugu xiistay.

  1. “Guulaan kuu rajeynayaa”

Haddii aadan guul u rajeyn gacalisadaada subax walba, waxaan la yaabanahay cida aad u rajeyn doontid, waa inaad noqotaa qofka koowaad ee lamaantiisa u rajeeya guusha.

  1. “Diyaar Ayaan kuu ahay hadaad gacan u baahatid”

Diyaar u noqo gacalisadaada marka ay wax kaaga baahato oo noqo qof u heelan mar walba, gacantaan ayaa ah mid ay had iyo jeer kaaga baahantahay gacalisadaada, jacaylkuu waa isgacan qabasho.

In lamaantaada aad ku dhahdid waxyaabahan subax walba waxay tuseysaa sida aad u jeceshahay.

Related Articles

Back to top button