CAAFIMAADKATALOOYIN CAAFIMAAD

Wax Badan Ka Ogoow Cudurka Sonkoroowga Ama Macaanka!

Hormonka insulin loo yaqaana ayaa caadiyan marka ay sonkortu soo gasho dhiiga ka kaxeeya oo geeya unugyada si loo keydiya ama tamar ahaan loogu isticmaalo sonkorta.

Marka Sonkorowgu uu kugu dhaco waxaa shaqadiisii gabaya ama hoos u dhac uu ku imaanayaa hoormoonkii Insulinka ah ee sonkorta ka kaxayn jirey dhiiga oo geyn jirey unugyada dhiiga si loo keydiyo,

Cudurka Sonkoroowgun waa marka sonkortu ay ku badato dhiiga,

Hadii aan si fiican loola tacaalin sonkoroowgu waxa uu waxyeeleyn karaa neerfaha,indhaha,kelyaha,dhaga, wadnaha lugaha iyo xubnaha kale ee jirka.

100kii qof oo Soomaali ah 5 kamid ah ayaa qaba cudurkaan xog uruurin dhawaan la sameeyey.

Dadka dunida 428 malyan oo kamid ah ayaa la nool xanuunkan

Waxaa u dhintey sanadkii 2015 hal malyan iyo 600 oo kun oo qof.

Sida ay shaacisey haayada caafimaadka aduunka 2017dii.

Waxaa loo qaybiyaa 3 qaybood sonkoroowga.

1= TYPE 1

Type 1 diabetes oo ah in difaaca jirkaada uu si qalad ah ama kama ah u wareero uuna bur-buriyo xubinta laga soo saaro hoormoonkii Insulinka ahaa,

Lama yaqaan waxa sababa sonkorowga noocaan ah 10% ayuu ku dhacaa dadka qaba sonkorowga noocaan.

Waxayna noocani ku dhacdaa inta badan dadka yar-yar

2= TYPE 2

Noocani waxa uu yimaada marka jirkaadu uu la qabsado hoormonka Insulin sidaasna ay ugu adkaato in dhiiga laga saaro sonkortii

Inta badan waxa ay ku dhacdaa dadka waaweyn 40 wixii ka weyn caruurtana waa ku dhici kartaa.

3=GASTATIONAL DIABETES

Noocani waxa ay ku dhacdaa kaliya hooyooyinka uurka leh waxayna dhacdaa marka ay mandheertu hooyada ay soo saarto hoormoono kuwaas oo xiraya in la soo saaro Insulintii dhiiga kasaareysey sonkorta.

CALAAMADAHA LAGU GARTO SONKOROWGA.

-gaajo badan

-Haraad badan

-miisaanka oo hoos u dhaca

-kaadida oo badata

-nabaro aan danqanen

-daal

Iyo calaamado kale

Ragga hadey ku dhacdo sonkortu waxaa u dheer calaamada ah “in ay hoos u dhacdo raganimadiisa”

Haweenka hadey ku dhacdana waxaa u dheer calaamada ah “jir cuncun iyo infekshinka kaadi marenka”

MAXAA SABABA SONKOROOWGA?

TYPE 1 diabetes iyada waxa sababa lama caddeen wali lkn kaliya waxaa la ogyahay in difaaca jirkaada si kama ah uu u bur buriyo unuga laga soo saaro hormonkii Insulinta ahaa.

TYPE 2 diabetes iyada waa lakala dhaxlaa waaridiinta ayaa kaga dhaxlaa awoowe,ayeeyo aabe iyo hooyo.

Sidoo kale waxaa laga qaadaa in aad buurantahay

Waxaa kaloo laga qaada in aad wax culus qaado maalin walba

Waxa kaloo laga qaadaa in aadan jimicsi sameen oo aad iska fadhido ama jiifto.

GASTATIONAL diabetes oo ahay tii ku dhici jirtey hooyooyinka uurka leh iyada waxa ay ku dhacdaa badanaa Hooyooyinka buur buuran ama buurnaada inta ay uurka leeyihiin iyo hooyooyinka waalidiintood ay qabeen sonkorta ayey ku dhici kartaa.

DAAWADA SONKOROWGU WAA NOOCEE?

TYPE 1 diabates daawadeeda ugu muhiimsan waa in qofka lagu duraa

INSULIN hormoon oo ah hormoonkii sonkorta dhiiga ka saarayey

TYPE 2 diabetes iyada waxa lagu daaweeya in la siiyo daawooyin hoos u dhigaya jirka in uu sonkorta kala haro cuntada iyo sidoo kale daawooyin yareenaya xadiga sonkorta uu beerku soo saarayo

Ama daawooyin ka caawinaya qofka insulintiisii in ay si fiican u shaqayso.

GASTATIONAL diabetes oo ahayd sonkorowgii hooyada uurka leh ku dhacayey isaga waxaa lagula tacaalayaa hooyada in ay sameyso jimicso cuntada sonkorta lehna ay iska dhinto,

20% ayaa ubaahan kara in la siiyo Cirbada Insulin ta ah.

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA SONKOROOWGA?

-ka dheeroow in aad isticmaasho sonkor badan

-si joogto ah jimicsi u samee

-biyo badan cab

-miisaankaada dhin hadaad buurantahay

-sigaarka iska jooji

-cuntada si xad kabax ah ha u cunin

-fadhiga badan iska yaree

W/Q: Dr Mohamed Amen

Related Articles

Back to top button